Selected

Original Text
Mahmud Muhammad Abduh

Available Translations

70 Al-Ma`ārij ٱلْمَعَارِج

< Previous   44 Āyah   The Ascending Stairways      Next >  

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
In the name of Allah, Most Gracious, Most Merciful.

70:1 سَأَلَ سَآئِلٌۢ بِعَذَابٍ وَاقِعٍ
70:1 Midbaa wuxuu Eebe warsaday in Caddibaad ku dhacda Gaalada (loo soo dedejiyo). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:2 لِّلْكَـٰفِرِينَ لَيْسَ لَهُۥ دَافِعٌ
70:2 Caddibaadaasna wax Gaalada ka Celin ma jiro. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:3 مِّنَ ٱللَّهِ ذِى ٱلْمَعَارِجِ
70:3 Waxayna ka imaan Caddibaaddaasu Eebaha sarraynta iyo Sharafta u Saaxiiba. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:4 تَعْرُجُ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ وَٱلرُّوحُ إِلَيْهِ فِى يَوْمٍ كَانَ مِقْدَارُهُۥ خَمْسِينَ أَلْفَ سَنَةٍ
70:4 Ee Malaa'igta kale iyo Jibriilba u koraan Maalin qaddarkeedu dhan yahay Konton Kun oo Sano. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:5 فَٱصْبِرْ صَبْرًا جَمِيلًا
70:5 Ee Nabiyow Samir Samir wanaagsan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:6 إِنَّهُمْ يَرَوْنَهُۥ بَعِيدًا
70:6 Gaaladu waxay Caddibaadda u arkaan inay fogtahay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:7 وَنَرَىٰهُ قَرِيبًا
70:7 Annaguna waxaan u aragnaa inay dhawrdahay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:8 يَوْمَ تَكُونُ ٱلسَّمَآءُ كَٱلْمُهْلِ
70:8 Caddibaaddaasu waxay dhici Maalinta Cirku noqon bir la dhalaaliyey oo kale. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:9 وَتَكُونُ ٱلْجِبَالُ كَٱلْعِهْنِ
70:9 Buuruhuna ay noqon Suuf la tifay oo kale. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:10 وَلَا يَسْـَٔلُ حَمِيمٌ حَمِيمًا
70:10 Sokeeyana uusan sokeeye wax warsanaynin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:11 يُبَصَّرُونَهُمْ ۚ يَوَدُّ ٱلْمُجْرِمُ لَوْ يَفْتَدِى مِنْ عَذَابِ يَوْمِئِذٍۭ بِبَنِيهِ
70:11 Wayna is arkayaan, dambiiluhuna wuxuu jeelaan inuu iskaga furto Maalintaas Caddibaadeeda Caruurtiisa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:12 وَصَـٰحِبَتِهِۦ وَأَخِيهِ
70:12 Haweenaydiisa, Walaalkiis. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:13 وَفَصِيلَتِهِ ٱلَّتِى تُـْٔوِيهِ
70:13 iyo qaraabadiisii soo dhawaynayey. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:14 وَمَن فِى ٱلْأَرْضِ جَمِيعًا ثُمَّ يُنجِيهِ
70:14 iyo waxa Dhulka ku sugan dhammaan markaa uu nabad galo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:15 كَلَّآ ۖ إِنَّهَا لَظَىٰ
70:15 Saas ma aha ee waxaa jirta Naar kulul (oo ay geli). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:16 نَزَّاعَةً لِّلشَّوَىٰ
70:16 Waxayna siibi Galka (Madaxa iyo Jirka). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:17 تَدْعُوا۟ مَنْ أَدْبَرَ وَتَوَلَّىٰ
70:17 Waxayna u dhawaaqi dadka jeedsaday xaqana diiday. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:18 وَجَمَعَ فَأَوْعَىٰٓ
70:18 Xoolahana kulmiyey oo hayey (oon xaqa ku bixinin). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:19 ۞ إِنَّ ٱلْإِنسَـٰنَ خُلِقَ هَلُوعًا
70:19 Dadka waa la abuuray iyaga oo Naf jaclaysi badan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:20 إِذَا مَسَّهُ ٱلشَّرُّ جَزُوعًا
70:20 Haddii dhib taabto wuu argagaxaa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:21 وَإِذَا مَسَّهُ ٱلْخَيْرُ مَنُوعًا
70:21 Hadduu khayr helana wuu reebaa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:22 إِلَّا ٱلْمُصَلِّينَ
70:22 Marka laga reebo Muslimiinta tukata. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:23 ٱلَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ دَآئِمُونَ
70:23 Ee ah kuwa Salaaddooda daa'ima. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:24 وَٱلَّذِينَ فِىٓ أَمْوَٰلِهِمْ حَقٌّ مَّعْلُومٌ
70:24 Kuwa Xoolahoodana xaq la ogyahay ka bixiya. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:25 لِّلسَّآئِلِ وَٱلْمَحْرُومِ
70:25 Siiyana kuwa baryootama iyo kuwaan wax haysan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:26 وَٱلَّذِينَ يُصَدِّقُونَ بِيَوْمِ ٱلدِّينِ
70:26 Kuwa rumeeya Maalinta Qiyaame (ee Abaal marinta). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:27 وَٱلَّذِينَ هُم مِّنْ عَذَابِ رَبِّهِم مُّشْفِقُونَ
70:27 Kuwa ka Cabsaday, Caddibaadda Eebahood. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:28 إِنَّ عَذَابَ رَبِّهِمْ غَيْرُ مَأْمُونٍ
70:28 Maxaa yeelay Caddibaadda Eebe wax ka Aamin ah ma jiro. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:29 وَٱلَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَـٰفِظُونَ
70:29 Kuwa ka ilaaliya Xubinta (dhalmaha) sino. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:30 إِلَّا عَلَىٰٓ أَزْوَٰجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَـٰنُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ
70:30 30 Waxa ka soo haray Xaaskooda ama ay hanteen, taasna laguma dagaalo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:31 فَمَنِ ٱبْتَغَىٰ وَرَآءَ ذَٰلِكَ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْعَادُونَ
70:31 Ruuxiise doona wax gudubsan kuwaa waa mid xad gudbay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:32 وَٱلَّذِينَ هُمْ لِأَمَـٰنَـٰتِهِمْ وَعَهْدِهِمْ رَٰعُونَ
70:32 Kuwa waxa lagu aaminay iyo Ballankaba ilaaliya. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:33 وَٱلَّذِينَ هُم بِشَهَـٰدَٰتِهِمْ قَآئِمُونَ
70:33 Kuwa maraggooda si fiican u furay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:34 وَٱلَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ يُحَافِظُونَ
70:34 Kuwa Salaaddooda xafida (dhawra). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:35 أُو۟لَـٰٓئِكَ فِى جَنَّـٰتٍ مُّكْرَمُونَ
70:35 Kuwaasi waxay geli Jannooyin lagu Sharrifo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:36 فَمَالِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ قِبَلَكَ مُهْطِعِينَ
70:36 Maxaa u sugnaaday Gaalada oo ay xagga Nabiga u deg degi (iagoo beenin). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:37 عَنِ ٱلْيَمِينِ وَعَنِ ٱلشِّمَالِ عِزِينَ
70:37 Iyagoo midigta Nabiga iyo Bidixdiisaba Koox Koox u jooga. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:38 أَيَطْمَعُ كُلُّ ٱمْرِئٍ مِّنْهُمْ أَن يُدْخَلَ جَنَّةَ نَعِيمٍ
70:38 Ma wuxuu damci Ruux kasta oo ka mid ah in geliyo Jannatu Naciima. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:39 كَلَّآ ۖ إِنَّا خَلَقْنَـٰهُم مِّمَّا يَعْلَمُونَ
70:39 Saas ma aha ee waxaan ka abuuray waxay ogyihiin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:40 فَلَآ أُقْسِمُ بِرَبِّ ٱلْمَشَـٰرِقِ وَٱلْمَغَـٰرِبِ إِنَّا لَقَـٰدِرُونَ
70:40 Waxaan ku dhaaran Qorrax ka soo baxyada iyo Qorrax u dhacyada ee waan karraa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:41 عَلَىٰٓ أَن نُّبَدِّلَ خَيْرًا مِّنْهُمْ وَمَا نَحْنُ بِمَسْبُوقِينَ
70:41 Inaan ku baddallo kuwa ka khayr badan, nagamana dheerayn karaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:42 فَذَرْهُمْ يَخُوضُوا۟ وَيَلْعَبُوا۟ حَتَّىٰ يُلَـٰقُوا۟ يَوْمَهُمُ ٱلَّذِى يُوعَدُونَ
70:42 Ee iska dhaaf ha dhumbadeen eh (xumaanta) hana Ciyaareen intay kala kulmaan Maalintoodii Qiyame ee loogu gooddiyey. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:43 يَوْمَ يَخْرُجُونَ مِنَ ٱلْأَجْدَاثِ سِرَاعًا كَأَنَّهُمْ إِلَىٰ نُصُبٍ يُوفِضُونَ
70:43 Maalinta ay ka soo bixi Qubuuraha iyagoo deg degi ood mooddo inay u laxaadsan Calaamo loo taagay (xaggooda). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

70:44 خَـٰشِعَةً أَبْصَـٰرُهُمْ تَرْهَقُهُمْ ذِلَّةٌ ۚ ذَٰلِكَ ٱلْيَوْمُ ٱلَّذِى كَانُوا۟ يُوعَدُونَ
70:44 Aragooduna waa dullaysan yahay Maalintaas, waxaana ka muuqda oo dabooli dulli, Maalintaasuna waa Maalintii loogu yaboohay (Abaal marinteeda). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)