Selected

Original Text
Mahmud Muhammad Abduh

Available Translations

26 Ash-Shu`arā' ٱلشُّعَرَاء

< Previous   227 Āyah   The Poets      Next >  

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
In the name of Allah, Most Gracious, Most Merciful.

26:1 طسٓمٓ
26:1 Waxay ku Tusin Mucjisada Quraanka sida soo Hor martay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:2 تِلْكَ ءَايَـٰتُ ٱلْكِتَـٰبِ ٱلْمُبِينِ
26:2 Taasi waa Aayadihii Kitaabka Cad. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:3 لَعَلَّكَ بَـٰخِعٌ نَّفْسَكَ أَلَّا يَكُونُوا۟ مُؤْمِنِينَ
26:3 Waxaadna u Dhawdahay Nabiyow inaad Halaagto Naftaada Haddayna Rumayn Xaqa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:4 إِن نَّشَأْ نُنَزِّلْ عَلَيْهِم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ ءَايَةً فَظَلَّتْ أَعْنَـٰقُهُمْ لَهَا خَـٰضِعِينَ
26:4 Haddaan Doono Waxaan kaga soo Dejinaynaa Korkooda Samada Aayad oy Noqoto Luquntoodu Miday u Khushuucdo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:5 وَمَا يَأْتِيهِم مِّن ذِكْرٍ مِّنَ ٱلرَّحْمَـٰنِ مُحْدَثٍ إِلَّا كَانُوا۟ عَنْهُ مُعْرِضِينَ
26:5 Waxkasta oo Quraana oo Uga Yimaadda Xagga Eebaha Raxmaana oo soo Darriyo (Cusboonaada) waxay ahaan kuwo ka Jeedsada. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:6 فَقَدْ كَذَّبُوا۟ فَسَيَأْتِيهِمْ أَنۢبَـٰٓؤُا۟ مَا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ
26:6 Waxayna Beeniyeen (Xaqa) waxaase u Imaan Warka waxay ku Jees Jeesayeen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:7 أَوَلَمْ يَرَوْا۟ إِلَى ٱلْأَرْضِ كَمْ أَنۢبَتْنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوْجٍ كَرِيمٍ
26:7 Miyeyna Arkayn Dhulka Inaan ka soo Bixinno Nooc kasta oo Fiican. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:8 إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ
26:8 Taasna waxaa ku sugan Aayad Badankooduna ma aha Mid Rumeyn (Xaqa). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:9 وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
26:9 Eebahaana Waa Adkaade Naxariista. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:10 وَإِذْ نَادَىٰ رَبُّكَ مُوسَىٰٓ أَنِ ٱئْتِ ٱلْقَوْمَ ٱلظَّـٰلِمِينَ
26:10 (Xusuuso) markuu ugu Yeedhay Eebahaa (Nabi) Muuse inuu Aado Qoomka Daalimiinta ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:11 قَوْمَ فِرْعَوْنَ ۚ أَلَا يَتَّقُونَ
26:11 Qoomka Fircoon, Maydhawrsadaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:12 قَالَ رَبِّ إِنِّىٓ أَخَافُ أَن يُكَذِّبُونِ
26:12 Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse Eebow waxaan ka Cabsan inay I beeniyaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:13 وَيَضِيقُ صَدْرِى وَلَا يَنطَلِقُ لِسَانِى فَأَرْسِلْ إِلَىٰ هَـٰرُونَ
26:13 Ooy Cidhiidhyanto Laabtaydu Siina Daysmin Carrabkaygu ee Dir la Jirkayga Haaruun. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:14 وَلَهُمْ عَلَىَّ ذَنۢبٌ فَأَخَافُ أَن يَقْتُلُونِ
26:14 Waxayna igu Leeyihiin Dambi (Godob) waxaana ka Cabsan inay I dilaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:15 قَالَ كَلَّا ۖ فَٱذْهَبَا بِـَٔايَـٰتِنَآ ۖ إِنَّا مَعَكُم مُّسْتَمِعُونَ
26:15 Wuxuu Yidhi Ilaahay saas ma aha ee La aada Aayaadkanaga, Anagaa Idinla Jirra Maqlina. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:16 فَأْتِيَا فِرْعَوْنَ فَقُولَآ إِنَّا رَسُولُ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
26:16 ee u Taga Firecoon una Dhaha Annagu waxaan Nahay Rasuulka Eebaha Caalamka. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:17 أَنْ أَرْسِلْ مَعَنَا بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ
26:17 Ee Dir «u Ogolow» Banii Israa'iil la jirkannaga. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:18 قَالَ أَلَمْ نُرَبِّكَ فِينَا وَلِيدًا وَلَبِثْتَ فِينَا مِنْ عُمُرِكَ سِنِينَ
26:18 Wuxuu Yidhi (Firecoon) Miyaanaan kugu Barbaarinin Dhexdanada Adoo Yar oodan ku Nagaanin Dhexdanada Cimrigaaga Sanooyin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:19 وَفَعَلْتَ فَعْلَتَكَ ٱلَّتِى فَعَلْتَ وَأَنتَ مِنَ ٱلْكَـٰفِرِينَ
26:19 Ood Fashay Arrintaad Fashay Adoo Diidan (Sama Falkii). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:20 قَالَ فَعَلْتُهَآ إِذًا وَأَنَا۠ مِنَ ٱلضَّآلِّينَ
26:20 Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waan Falay Anoon Wax kasayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:21 فَفَرَرْتُ مِنكُمْ لَمَّا خِفْتُكُمْ فَوَهَبَ لِى رَبِّى حُكْمًا وَجَعَلَنِى مِنَ ٱلْمُرْسَلِينَ
26:21 Waana Idinka Cararay Markaan Idinka Cabsaday Markaasuu Eebe I siiyey Nabinimo, Igana Yeelay kuwa La Diray (Rasuul). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:22 وَتِلْكَ نِعْمَةٌ تَمُنُّهَا عَلَىَّ أَنْ عَبَّدتَّ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ
26:22 Taasise ma Nicma aad igu Mannaysanbaa Haddaad Addoonsatay Banii Israa'iil. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:23 قَالَ فِرْعَوْنُ وَمَا رَبُّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
26:23 Fircoon wuxuun Yidhi waa maxay Eebaha Caalamka. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:24 قَالَ رَبُّ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَآ ۖ إِن كُنتُم مُّوقِنِينَ
26:24 Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waa Eebaha Samooyinka iyo Waxa u Dhaxeeya haddaad wax Yaqiinsanaysaan (Rumaynaysaan). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:25 قَالَ لِمَنْ حَوْلَهُۥٓ أَلَا تَسْتَمِعُونَ
26:25 Wuxuu ku Yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa War ma Maqlaysaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:26 قَالَ رَبُّكُمْ وَرَبُّ ءَابَآئِكُمُ ٱلْأَوَّلِينَ
26:26 Wuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebihiin iyo Eebaha Aabayaalkiinii Hore. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:27 قَالَ إِنَّ رَسُولَكُمُ ٱلَّذِىٓ أُرْسِلَ إِلَيْكُمْ لَمَجْنُونٌ
26:27 Wuxuu Yidhi Fircoon Rasuulkiinna laydiin soo diray waa Waalanyahay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:28 قَالَ رَبُّ ٱلْمَشْرِقِ وَٱلْمَغْرِبِ وَمَا بَيْنَهُمَآ ۖ إِن كُنتُمْ تَعْقِلُونَ
26:28 Wuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebaha Bari iyo Galbeed iyo Waxa u Dhaxeeya Haddaad wax kasaysaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:29 قَالَ لَئِنِ ٱتَّخَذْتَ إِلَـٰهًا غَيْرِى لَأَجْعَلَنَّكَ مِنَ ٱلْمَسْجُونِينَ
26:29 Wuxuu Yidhi Fircoon haddaad Yeelato Ilaah iga soo Hadhay waxaan kaa Yeeli kuwa Xabbisan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:30 قَالَ أَوَلَوْ جِئْتُكَ بِشَىْءٍ مُّبِينٍ
26:30 Wuxuu Yidhi Nabi Muuse Haddaan kuula Imaaddo wax Cadna. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:31 قَالَ فَأْتِ بِهِۦٓ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّـٰدِقِينَ
26:31 Wuxuu Yidhi Fircoon la Imow Haddaad Run Sheegi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:32 فَأَلْقَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِىَ ثُعْبَانٌ مُّبِينٌ
26:32 Markaasuu Tuuray Nabi Muuse Ushiishii waxayna Noqotay Mas Muuqda. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:33 وَنَزَعَ يَدَهُۥ فَإِذَا هِىَ بَيْضَآءُ لِلنَّـٰظِرِينَ
26:33 Wuxuuna Siibay Gacantiisa waxayna ahaatay mid u Cad Dadka Dayi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:34 قَالَ لِلْمَلَإِ حَوْلَهُۥٓ إِنَّ هَـٰذَا لَسَـٰحِرٌ عَلِيمٌ
26:34 Wuxuu ku yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa kani waa Sixirre Xeel Dheer. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:35 يُرِيدُ أَن يُخْرِجَكُم مِّنْ أَرْضِكُم بِسِحْرِهِۦ فَمَاذَا تَأْمُرُونَ
26:35 Doonina Inuu Idinkaga Bixiyo Dhulkiinna Sixirkiisa ee Maxaad Faraysaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:36 قَالُوٓا۟ أَرْجِهْ وَأَخَاهُ وَٱبْعَثْ فِى ٱلْمَدَآئِنِ حَـٰشِرِينَ
26:36 Waxay Dheheen Dib u Dhig Isaga iyo Walaalkiis (Xaalkooda) una Dir Magaalooyinka kuwo soo Kulmiya. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:37 يَأْتُوكَ بِكُلِّ سَحَّارٍ عَلِيمٍ
26:37 Ha kuu Keeneen Sixirre kasta oo Xeel Dheer. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:38 فَجُمِعَ ٱلسَّحَرَةُ لِمِيقَـٰتِ يَوْمٍ مَّعْلُومٍ
26:38 Waxaana Loo kulmiyey Saaxiriintii Imaatin Maalin la Yaqaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:39 وَقِيلَ لِلنَّاسِ هَلْ أَنتُم مُّجْتَمِعُونَ
26:39 Waxaana Loo Yidhi Dadkii ma Kulmaysaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:40 لَعَلَّنَا نَتَّبِعُ ٱلسَّحَرَةَ إِن كَانُوا۟ هُمُ ٱلْغَـٰلِبِينَ
26:40 Inaan Raacno Saaxiriinta Hadday Adkaadaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:41 فَلَمَّا جَآءَ ٱلسَّحَرَةُ قَالُوا۟ لِفِرْعَوْنَ أَئِنَّ لَنَا لَأَجْرًا إِن كُنَّا نَحْنُ ٱلْغَـٰلِبِينَ
26:41 Markay Yimaaddeen Saaxiriintii waxay ku Dheheen Fircoon Ujuuro ma Leenahay haddaan Adkaanno. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:42 قَالَ نَعَمْ وَإِنَّكُمْ إِذًا لَّمِنَ ٱلْمُقَرَّبِينَ
26:42 Wuxuuna Yidhi haa Waxaadna Noqonaysaan kuwa ii dhow. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:43 قَالَ لَهُم مُّوسَىٰٓ أَلْقُوا۟ مَآ أَنتُم مُّلْقُونَ
26:43 Wuxuu ku Yidhi (Nabi) Muuse Tuura waxaad Tuuraysaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:44 فَأَلْقَوْا۟ حِبَالَهُمْ وَعِصِيَّهُمْ وَقَالُوا۟ بِعِزَّةِ فِرْعَوْنَ إِنَّا لَنَحْنُ ٱلْغَـٰلِبُونَ
26:44 Waxayna Tuureen Xadhkahoodii iyo Ulahoodii waxayna Dheheen Sharafta Fircoon yaan ku dhaarannaye Anagaa adkaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:45 فَأَلْقَىٰ مُوسَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِىَ تَلْقَفُ مَا يَأْفِكُونَ
26:45 Markaasuu Tuuray (Nabi) Muuse Ushiisii waxayna Ahaatay mid Gurata waxay Dhoodhoobeen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:46 فَأُلْقِىَ ٱلسَّحَرَةُ سَـٰجِدِينَ
26:46 waxaana la Riday Saaxiriintii Sujuud Darteed. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:47 قَالُوٓا۟ ءَامَنَّا بِرَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
26:47 Waxayna Dheheen waxaan Rumaynay Eebaha Caalamka. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:48 رَبِّ مُوسَىٰ وَهَـٰرُونَ
26:48 Eebaha (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:49 قَالَ ءَامَنتُمْ لَهُۥ قَبْلَ أَنْ ءَاذَنَ لَكُمْ ۖ إِنَّهُۥ لَكَبِيرُكُمُ ٱلَّذِى عَلَّمَكُمُ ٱلسِّحْرَ فَلَسَوْفَ تَعْلَمُونَ ۚ لَأُقَطِّعَنَّ أَيْدِيَكُمْ وَأَرْجُلَكُم مِّنْ خِلَـٰفٍ وَلَأُصَلِّبَنَّكُمْ أَجْمَعِينَ
26:49 Wuxuu yidhi Fircoon Miyaad Rumeyseen Muuse ka Hor Idankayga, Isagu waa kan idiinku wayn ee idin Baray Sixirka waadse Ogaan doontaan, waxaana u Goyn Gacmahiinna iyo Lugahiinna Isdhaaf, waana idin Wadhi Dhammaantiin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:50 قَالُوا۟ لَا ضَيْرَ ۖ إِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا مُنقَلِبُونَ
26:50 Waxayna dhaheen Dhib ma leh annagu Xagga Eebahannaan u Noqonaynaa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:51 إِنَّا نَطْمَعُ أَن يَغْفِرَ لَنَا رَبُّنَا خَطَـٰيَـٰنَآ أَن كُنَّآ أَوَّلَ ٱلْمُؤْمِنِينَ
26:51 waxaana Dalbaynaa (Damcaynaa) inuu noo Dhaafo Eebahanno Gafafkanaga Inaan Noqonay kuwii ugu Hor Rumeeyey (Xaqa). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:52 ۞ وَأَوْحَيْنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنْ أَسْرِ بِعِبَادِىٓ إِنَّكُم مُّتَّبَعُونَ
26:52 Waxaan u waxyoonay Nabi Muuse Guuri Addoomadayda waa Laydin Raaciye. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:53 فَأَرْسَلَ فِرْعَوْنُ فِى ٱلْمَدَآئِنِ حَـٰشِرِينَ
26:53 Markaasuu u Diray Fircoon magaalooyinka kuwo Soo kulmiya. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:54 إِنَّ هَـٰٓؤُلَآءِ لَشِرْذِمَةٌ قَلِيلُونَ
26:54 Isagoo dhihi Kuwaasu «Banii Israa'iil» waa Koox Yar. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:55 وَإِنَّهُمْ لَنَا لَغَآئِظُونَ
26:55 Wayna Na cadho Galiyeen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:56 وَإِنَّا لَجَمِيعٌ حَـٰذِرُونَ
26:56 Waxaana nahay kuwo Had iyo Jeer Digtoon. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:57 فَأَخْرَجْنَـٰهُم مِّن جَنَّـٰتٍ وَعُيُونٍ
26:57 Waxaana ka Bixinnay Beero iyo (Biyo) ilo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:58 وَكُنُوزٍ وَمَقَامٍ كَرِيمٍ
26:58 Iyo Kanziyo iyo Nagaadi Fiican. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:59 كَذَٰلِكَ وَأَوْرَثْنَـٰهَا بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ
26:59 Waxaana Dhaxalsiinay Banii Israa'iil. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:60 فَأَتْبَعُوهُم مُّشْرِقِينَ
26:60 Markaasay Raacen (ka daba Duulcen) Qorrax soo Bixii. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:61 فَلَمَّا تَرَٰٓءَا ٱلْجَمْعَانِ قَالَ أَصْحَـٰبُ مُوسَىٰٓ إِنَّا لَمُدْرَكُونَ
26:61 Markay isu Muuqdeen Labadii Kooxood waxay Dheheen Asaxaabtii Nabi Muuse Inaga waa Layna Haleelay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:62 قَالَ كَلَّآ ۖ إِنَّ مَعِىَ رَبِّى سَيَهْدِينِ
26:62 Wuxuuna Yidhi (Nabi) Muuse Saas ma aha ee Eebahaybaa Ila jira wuuna i Toosin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:63 فَأَوْحَيْنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنِ ٱضْرِب بِّعَصَاكَ ٱلْبَحْرَ ۖ فَٱنفَلَقَ فَكَانَ كُلُّ فِرْقٍ كَٱلطَّوْدِ ٱلْعَظِيمِ
26:63 Waxaana u Waxyoonay (Nabi) Muuse ku Garaac Ushaada Badda wayna kala Jeexantay Baddii wuxuuna Noqday Jeex kasta Buur wayn oo kale. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:64 وَأَزْلَفْنَا ثَمَّ ٱلْـَٔاخَرِينَ
26:64 Waana ku soo Dhawayanay Halkaas kuwii kale (Colkii Fircoon). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:65 وَأَنجَيْنَا مُوسَىٰ وَمَن مَّعَهُۥٓ أَجْمَعِينَ
26:65 Waxaana Korinay (Nabi) Muuse iyo Intii la Jirtay Dhammaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:66 ثُمَّ أَغْرَقْنَا ٱلْـَٔاخَرِينَ
26:66 Ka dibna waxaan Maanshaynay Kuwii kale. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:67 إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ
26:67 Arrintaasna waxaa ku Sugan Aayad Mana aha Badankood kuwo Rumeeyn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:68 وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
26:68 Eebahaana waa Adkaade Naxariista, - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:69 وَٱتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ إِبْرَٰهِيمَ
26:69 Ku Akhri Korkooda Warkii Nabi Ibraahim. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:70 إِذْ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوْمِهِۦ مَا تَعْبُدُونَ
26:70 Markuu ku Yidhi Aabihiis iyo Qoomkiisii maxaad Caabudaysaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:71 قَالُوا۟ نَعْبُدُ أَصْنَامًا فَنَظَلُّ لَهَا عَـٰكِفِينَ
26:71 Waxay Dheheen waxaannu Caabudi Sanamyo oonu ahaan kuwo ku Nagaada. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:72 قَالَ هَلْ يَسْمَعُونَكُمْ إِذْ تَدْعُونَ
26:72 Wuxuu Yidhi (Nabi Ibraahim) Maydin Maqlayaan markaad Baryeysaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:73 أَوْ يَنفَعُونَكُمْ أَوْ يَضُرُّونَ
26:73 Mase idin Anfaci ama idin Dhibi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:74 قَالُوا۟ بَلْ وَجَدْنَآ ءَابَآءَنَا كَذَٰلِكَ يَفْعَلُونَ
26:74 Waxay Dheheen waxaan Hellay Aabayaalkanno oo Sidaas Fali. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:75 قَالَ أَفَرَءَيْتُم مَّا كُنتُمْ تَعْبُدُونَ
26:75 Wuxuu Yidhi Bal Warrama waxaad Caabudaysaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:76 أَنتُمْ وَءَابَآؤُكُمُ ٱلْأَقْدَمُونَ
26:76 Idinka iyo Aabayaalkiinii Horeeyey. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:77 فَإِنَّهُمْ عَدُوٌّ لِّىٓ إِلَّا رَبَّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
26:77 Hadday Iyagu Col ii Yihiin Eebaha Caalamka Mooyee. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:78 ٱلَّذِى خَلَقَنِى فَهُوَ يَهْدِينِ
26:78 Ee Eebaha I Abuuray ee ah kan I Hanuunin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:79 وَٱلَّذِى هُوَ يُطْعِمُنِى وَيَسْقِينِ
26:79 Kan I Quudin ee I Waraabin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:80 وَإِذَا مَرِضْتُ فَهُوَ يَشْفِينِ
26:80 Markaan Bukoodana Isagaa I Caafiya. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:81 وَٱلَّذِى يُمِيتُنِى ثُمَّ يُحْيِينِ
26:81 Waana kan I dili Ina Noolayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:82 وَٱلَّذِىٓ أَطْمَعُ أَن يَغْفِرَ لِى خَطِيٓـَٔتِى يَوْمَ ٱلدِّينِ
26:82 Ee ah kaan Damci inuu Ii Dhaafo Gafafkayga Maalinta Abaal marinta. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:83 رَبِّ هَبْ لِى حُكْمًا وَأَلْحِقْنِى بِٱلصَّـٰلِحِينَ
26:83 Eebow i Sii Xikmo (Nabinimo) Ina Haleeshii kuwa Suuban. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:84 وَٱجْعَل لِّى لِسَانَ صِدْقٍ فِى ٱلْـَٔاخِرِينَ
26:84 Iina Yeel Sheegid Run ah (Fiican) kuwa Dambe. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:85 وَٱجْعَلْنِى مِن وَرَثَةِ جَنَّةِ ٱلنَّعِيمِ
26:85 Igana yeel kuwa Dhaxli Janada Naciimo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:86 وَٱغْفِرْ لِأَبِىٓ إِنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلضَّآلِّينَ
26:86 Una Dambi Dhaaf Aabahay wuxuu ka Mid ahaa kuwa Dhumaye. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:87 وَلَا تُخْزِنِى يَوْمَ يُبْعَثُونَ
26:87 Hana i Dullayn Maalinta la Soo Bixin (Dadka). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:88 يَوْمَ لَا يَنفَعُ مَالٌ وَلَا بَنُونَ
26:88 Maalintayna wax Anfacayn Xoolo iyo Ilmo midna. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:89 إِلَّا مَنْ أَتَى ٱللَّهَ بِقَلْبٍ سَلِيمٍ
26:89 Ruux ula Yimaadda Eebe Qalbi Fayow Mooyee (Iimaan). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:90 وَأُزْلِفَتِ ٱلْجَنَّةُ لِلْمُتَّقِينَ
26:90 Waana loo Dhawayn Jannada kuwa Dhawrsada (Mu'miniinta Dhabta ah). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:91 وَبُرِّزَتِ ٱلْجَحِيمُ لِلْغَاوِينَ
26:91 Waana Loo Muujin Jaxiimo kuwa Baadiyoobay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:92 وَقِيلَ لَهُمْ أَيْنَ مَا كُنتُمْ تَعْبُدُونَ
26:92 Waxaana Lagu Dhihi Aaway waxaad Caabudayseen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:93 مِن دُونِ ٱللَّهِ هَلْ يَنصُرُونَكُمْ أَوْ يَنتَصِرُونَ
26:93 Oo Eebe ka soo Hadhay Maydiin Gargaarayaan ama Gargaarsanayaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:94 فَكُبْكِبُوا۟ فِيهَا هُمْ وَٱلْغَاوُۥنَ
26:94 Waana lagu Hambooriyey (Tuuri) Dhexdeeda iyaga iyo kuwa Baadiyoobay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:95 وَجُنُودُ إِبْلِيسَ أَجْمَعُونَ
26:95 Iyo Junuudda (Askarta) Ibliis Dhamaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:96 قَالُوا۟ وَهُمْ فِيهَا يَخْتَصِمُونَ
26:96 Waxayna obhan iyagoo Dhexdeeda ku doodi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:97 تَٱللَّهِ إِن كُنَّا لَفِى ضَلَـٰلٍ مُّبِينٍ
26:97 Eebaan ku Dhaaranaye waxaan ku Sugnayn Baadi Cad. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:98 إِذْ نُسَوِّيكُم بِرَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
26:98 Markaan Idilla Sinay Eebaha Caalamka. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:99 وَمَآ أَضَلَّنَآ إِلَّا ٱلْمُجْرِمُونَ
26:99 Wax na Dhumiyey oon Dambiila Yaasha ahayn ma Jiro. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:100 فَمَا لَنَا مِن شَـٰفِعِينَ
26:100 Mana Lihin wax Noo Shafeeca. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:101 وَلَا صَدِيقٍ حَمِيمٍ
26:101 Iyo Saaxiib Dhaw. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:102 فَلَوْ أَنَّ لَنَا كَرَّةً فَنَكُونَ مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ
26:102 Ee hadaan Noqonno oon Ahaanno Mu'miniin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:103 إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ
26:103 Taas waxaa ku Sugan Calaamad Badankoodna ma Rumeeyo (Xaqa). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:104 وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
26:104 Eebahaana waa Adkaade Naxariista. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:105 كَذَّبَتْ قَوْمُ نُوحٍ ٱلْمُرْسَلِينَ
26:105 Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Nuux Rasuulladii. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:106 إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ نُوحٌ أَلَا تَتَّقُونَ
26:106 Markuu ku Yiidhi Walaalkood Nuux Miyeydaan Dhawrsanayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:107 إِنِّى لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ
26:107 Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:108 فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
26:108 Ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:109 وَمَآ أَسْـَٔلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِىَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
26:109 Idinkana Warsanmaayo (Xaqa) Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:110 فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
26:110 Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:111 ۞ قَالُوٓا۟ أَنُؤْمِنُ لَكَ وَٱتَّبَعَكَ ٱلْأَرْذَلُونَ
26:111 Waxay Dheheen ma waxaanu ku Rumayn adooy ku Raaceen kuwa Dullaysan (Xun Xun). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:112 قَالَ وَمَا عِلْمِى بِمَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ
26:112 Wuxuu Yidhi Maxaan ka Ogahay Waxay Fali. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:113 إِنْ حِسَابُهُمْ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّى ۖ لَوْ تَشْعُرُونَ
26:113 Xisaabtooda Eebe unbaa leh haddaad wax Garanaysaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:114 وَمَآ أَنَا۠ بِطَارِدِ ٱلْمُؤْمِنِينَ
26:114 Anuguna ma Eryayo Mu'miniinta. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:115 إِنْ أَنَا۠ إِلَّا نَذِيرٌ مُّبِينٌ
26:115 Waxaan u Dige Cad ahayna ma ihi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:116 قَالُوا۟ لَئِن لَّمْ تَنتَهِ يَـٰنُوحُ لَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلْمَرْجُومِينَ
26:116 Waxay Dheheen Haddaadan Joogin Nuuxow Waxaad Noqon kuwa la Dhagaxyeeyo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:117 قَالَ رَبِّ إِنَّ قَوْمِى كَذَّبُونِ
26:117 Wuxuuna yidhi Eebow Qoomkaygii waa I beeniyeen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:118 فَٱفْتَحْ بَيْنِى وَبَيْنَهُمْ فَتْحًا وَنَجِّنِى وَمَن مَّعِىَ مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ
26:118 Ee Nakala Xukun Dhexdanada, ina kori Ani iyo Inta ila jirta ee Mu'miniinta ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:119 فَأَنجَيْنَـٰهُ وَمَن مَّعَهُۥ فِى ٱلْفُلْكِ ٱلْمَشْحُونِ
26:119 Waxaannu ku Korinay Isaga iyo intii la Jirtay Doontii Buuxday. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:120 ثُمَّ أَغْرَقْنَا بَعْدُ ٱلْبَاقِينَ
26:120 Ka Dibna waxaan Maanshaynay kuwii Hadhay (Gaaladii). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:121 إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ
26:121 Taasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu kuwo Rumayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:122 وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
26:122 Eebahaana waa Adkaade Naxariista. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:123 كَذَّبَتْ عَادٌ ٱلْمُرْسَلِينَ
26:123 Waxay Beeniyeen Caad Rasuulladii. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:124 إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ هُودٌ أَلَا تَتَّقُونَ
26:124 Markuu ku Yidhi Walaalkood Huud Miyeydaan Dhawrsanayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:125 إِنِّى لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ
26:125 Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:126 فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
26:126 Ee ka Dhawrsada Eebe Ina Adeeca. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:127 وَمَآ أَسْـَٔلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِىَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
26:127 Idinkamana Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigaygana Eebaha Caalamkaan ka Sugi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:128 أَتَبْنُونَ بِكُلِّ رِيعٍ ءَايَةً تَعْبَثُونَ
26:128 Miyaad ka Dhisaysaan Meel Sare oo Dhan Calaamad (Daar) Idinkoo Ciyaari. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:129 وَتَتَّخِذُونَ مَصَانِعَ لَعَلَّكُمْ تَخْلُدُونَ
26:129 Ood Yeelanaysaan Masaanic (Dhismo) inaad Waartaan Darteed. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:130 وَإِذَا بَطَشْتُم بَطَشْتُمْ جَبَّارِينَ
26:130 Haddaad wax Qabataan Ciqaabtaan una Ciqaabaysaan si Daran. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:131 فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
26:131 ee Eebe ka Dhawrsada Ina Adeeca. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:132 وَٱتَّقُوا۟ ٱلَّذِىٓ أَمَدَّكُم بِمَا تَعْلَمُونَ
26:132 Kana Dhawrsada Eebaha idin Siiyey waxaad Ogtihiin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:133 أَمَدَّكُم بِأَنْعَـٰمٍ وَبَنِينَ
26:133 Wuxuu idin Siiyey Xoolo iyo Caruur. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:134 وَجَنَّـٰتٍ وَعُيُونٍ
26:134 Iyo Beero iyo Ilo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:135 إِنِّىٓ أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ
26:135 Waxaana Idiinka Digi Cadab Maalin Wayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:136 قَالُوا۟ سَوَآءٌ عَلَيْنَآ أَوَعَظْتَ أَمْ لَمْ تَكُن مِّنَ ٱلْوَٰعِظِينَ
26:136 Waxay Dheheen waxaa Isu kaanna Mid ah Waanisayaa ama Maadan Waanininaa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:137 إِنْ هَـٰذَآ إِلَّا خُلُقُ ٱلْأَوَّلِينَ
26:137 Kanna ma aha waxaan Dabeecaddii «Diintii» Dadkii hore ahayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:138 وَمَا نَحْنُ بِمُعَذَّبِينَ
26:138 Nalamana Cadaabayo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:139 فَكَذَّبُوهُ فَأَهْلَكْنَـٰهُمْ ۗ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ
26:139 Wayna Beeniyeen, markasaan Halaagnay. Taasina waxaa ku Sugan Calaamad, mana aha Badankoodu kuwo Rumayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:140 وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
26:140 Eebahaana waa Adkaade Naxariista. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:141 كَذَّبَتْ ثَمُودُ ٱلْمُرْسَلِينَ
26:141 Waxay Beenisay Thamuud suulladii. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:142 إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ صَـٰلِحٌ أَلَا تَتَّقُونَ
26:142 Markuu ku Yidhi Walaalkood (Nabi) Saalax Miyaydaan Dhawrsanayan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:143 إِنِّى لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ
26:143 Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:144 فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
26:144 ee ka Dhawrsadda Eebe ina Adeeca. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:145 وَمَآ أَسْـَٔلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِىَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
26:145 Idinkamana Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:146 أَتُتْرَكُونَ فِى مَا هَـٰهُنَآ ءَامِنِينَ
26:146 Ma waxaa Laydinkaga Tagi Halkan idinkoo Aamina. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:147 فِى جَنَّـٰتٍ وَعُيُونٍ
26:147 Oo ku Sugan Basaatiin iyo Ilo (Socda). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:148 وَزُرُوعٍ وَنَخْلٍ طَلْعُهَا هَضِيمٌ
26:148 Iyo Beero iyo Timir Fiideedu Bisayl Tahay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:149 وَتَنْحِتُونَ مِنَ ٱلْجِبَالِ بُيُوتًا فَـٰرِهِينَ
26:149 Ood ka Qoranaysaan Buuraha Guryo idinkoo Kibirsan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:150 فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
26:150 Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:151 وَلَا تُطِيعُوٓا۟ أَمْرَ ٱلْمُسْرِفِينَ
26:151 Hana Adeecina «Maqlina» Amarka Xadgudbayaasha. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:152 ٱلَّذِينَ يُفْسِدُونَ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَا يُصْلِحُونَ
26:152 ah kuwa Fasaadiya Dhulka oon Hagaajinayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:153 قَالُوٓا۟ إِنَّمَآ أَنتَ مِنَ ٱلْمُسَحَّرِينَ
26:153 Waxay Dheheen waxaad uun ka mid Tahay kuwa la Sixray. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:154 مَآ أَنتَ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُنَا فَأْتِ بِـَٔايَةٍ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّـٰدِقِينَ
26:154 Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn ee noo keen Aayad Haddaad run Sheegi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:155 قَالَ هَـٰذِهِۦ نَاقَةٌ لَّهَا شِرْبٌ وَلَكُمْ شِرْبُ يَوْمٍ مَّعْلُومٍ
26:155 Wuxuu Yidhi Tani waa Hal, Maalinbay Cabbi idinkuna Maalinhaad Cabbaysaan la Yaqaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:156 وَلَا تَمَسُّوهَا بِسُوٓءٍ فَيَأْخُذَكُمْ عَذَابُ يَوْمٍ عَظِيمٍ
26:156 Ee ha ku Taabanina Xumaan, oos idin qabto Cadaab Maalin wayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:157 فَعَقَرُوهَا فَأَصْبَحُوا۟ نَـٰدِمِينَ
26:157 Wayse Dileen waxayna ahaadeen kuwo Qoomameeya. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:158 فَأَخَذَهُمُ ٱلْعَذَابُ ۗ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ
26:158 Waxaana Qabtay Cadaab Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn (Xaqa). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:159 وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
26:159 Eebahaana waa Adkaade Naxariista. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:160 كَذَّبَتْ قَوْمُ لُوطٍ ٱلْمُرْسَلِينَ
26:160 Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Luudh Rasuuladii. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:161 إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ لُوطٌ أَلَا تَتَّقُونَ
26:161 Markuu ku Yidhi Walaalkood Luudh Miyeydaan Dhawrsanayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:162 إِنِّى لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ
26:162 Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:163 فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
26:163 ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:164 وَمَآ أَسْـَٔلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِىَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
26:164 Idinkama Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:165 أَتَأْتُونَ ٱلذُّكْرَانَ مِنَ ٱلْعَـٰلَمِينَ
26:165 Ma waxaad u Tagaysaan Ragga Caalamka. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:166 وَتَذَرُونَ مَا خَلَقَ لَكُمْ رَبُّكُم مِّنْ أَزْوَٰجِكُم ۚ بَلْ أَنتُمْ قَوْمٌ عَادُونَ
26:166 Ood ka Tagaysaan waxa Eebe idiin Abuuray oo Haweenkiina ah, waxaadse Tihiin Kuwo Xadgudba. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:167 قَالُوا۟ لَئِن لَّمْ تَنتَهِ يَـٰلُوطُ لَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلْمُخْرَجِينَ
26:167 Waxay Dheheen haddaadan Joogin Luudhow Waxaad Noqon kuwa la Bixiyo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:168 قَالَ إِنِّى لِعَمَلِكُم مِّنَ ٱلْقَالِينَ
26:168 Wuxuu Yidhi (Luudh) Anigu Camalkiinna waan la Cadhaysnahay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:169 رَبِّ نَجِّنِى وَأَهْلِى مِمَّا يَعْمَلُونَ
26:169 Eebow iga Kori iyo Ehelkaygaba waxay Falayaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:170 فَنَجَّيْنَـٰهُ وَأَهْلَهُۥٓ أَجْمَعِينَ
26:170 Waana korinay Isaga iyo Ehelkiisiiba Dhammaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:171 إِلَّا عَجُوزًا فِى ٱلْغَـٰبِرِينَ
26:171 Habar ku hadhay Mooyee (Haweeneydiisii). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:172 ثُمَّ دَمَّرْنَا ٱلْـَٔاخَرِينَ
26:172 Markaasaan Halaagnay Intii kale. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:173 وَأَمْطَرْنَا عَلَيْهِم مَّطَرًا ۖ فَسَآءَ مَطَرُ ٱلْمُنذَرِينَ
26:173 Waxaa ku soo Daynay (Roob Dhagax Naara) waxaana u Xun Roobka kuwa Loo digay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:174 إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ
26:174 Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:175 وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
26:175 Eebhaana waa Adkaade Naxariista. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:176 كَذَّبَ أَصْحَـٰبُ لْـَٔيْكَةِ ٱلْمُرْسَلِينَ
26:176 Waxay Beeniyeen Kayntii Ehelkeedii Rasuulladii. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:177 إِذْ قَالَ لَهُمْ شُعَيْبٌ أَلَا تَتَّقُونَ
26:177 Markuu ku Yidhi Nabi Shucayb Miyeydaan Dhawrsanayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:178 إِنِّى لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ
26:178 Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:179 فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
26:179 ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:180 وَمَآ أَسْـَٔلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِىَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
26:180 Idinkama Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:181 ۞ أَوْفُوا۟ ٱلْكَيْلَ وَلَا تَكُونُوا۟ مِنَ ٱلْمُخْسِرِينَ
26:181 Oofiya (Dhammaystira) Beegidda hana ka mid Noqonina kuwa Nusqaamiya. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:182 وَزِنُوا۟ بِٱلْقِسْطَاسِ ٱلْمُسْتَقِيمِ
26:182 Una Miisama Cadaalad Toosan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:183 وَلَا تَبْخَسُوا۟ ٱلنَّاسَ أَشْيَآءَهُمْ وَلَا تَعْثَوْا۟ فِى ٱلْأَرْضِ مُفْسِدِينَ
26:183 Hana ka Nusqaaminina Dadka waxooda hana Xumaynina Dhulka Idinkoo Fasaadin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:184 وَٱتَّقُوا۟ ٱلَّذِى خَلَقَكُمْ وَٱلْجِبِلَّةَ ٱلْأَوَّلِينَ
26:184 Kana Dhawrsada Eebaha idin Abuuray iyo Khalqigii Horreeyey. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:185 قَالُوٓا۟ إِنَّمَآ أَنتَ مِنَ ٱلْمُسَحَّرِينَ
26:185 Waxay Dheheen waxaad uun Tahay kuwa la Sixray. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:186 وَمَآ أَنتَ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُنَا وَإِن نَّظُنُّكَ لَمِنَ ٱلْكَـٰذِبِينَ
26:186 Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn, waxaana kuu Malaynaynaa kuwa Beenaalayaasha ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:187 فَأَسْقِطْ عَلَيْنَا كِسَفًا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّـٰدِقِينَ
26:187 ee Nagu soo Rid Goosimo Samada ka mid ah haddaad Run sheegi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:188 قَالَ رَبِّىٓ أَعْلَمُ بِمَا تَعْمَلُونَ
26:188 Wuxuu Yidhi Eebahay baa og waxaad Falaysaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:189 فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَهُمْ عَذَابُ يَوْمِ ٱلظُّلَّةِ ۚ إِنَّهُۥ كَانَ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ
26:189 Wayna Beeniyeen waxaana Qabtay Cadaab Maalintii Hadhka, waana Cadaab Maalin Wayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:190 إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ
26:190 Arrintaasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu mid Rumayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:191 وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
26:191 Eebahaana waa Adkaade Naxariista. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:192 وَإِنَّهُۥ لَتَنزِيلُ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
26:192 Quraankuna waa soo Dejin Ebaha Caalamka. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:193 نَزَلَ بِهِ ٱلرُّوحُ ٱلْأَمِينُ
26:193 Waxaa kula soo degan Ruux Aamin ah (Jibriil). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:194 عَلَىٰ قَلْبِكَ لِتَكُونَ مِنَ ٱلْمُنذِرِينَ
26:194 Qalbigaaga inaad ahaato kuwa ku Diga. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:195 بِلِسَانٍ عَرَبِىٍّ مُّبِينٍ
26:195 Af Carabi ahoo Cad. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:196 وَإِنَّهُۥ لَفِى زُبُرِ ٱلْأَوَّلِينَ
26:196 Quraankuna wuxuu ku Sugnaa Kutubtii hore. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:197 أَوَلَمْ يَكُن لَّهُمْ ءَايَةً أَن يَعْلَمَهُۥ عُلَمَـٰٓؤُا۟ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ
26:197 Miyeyna Calaamad ugu Fillayn inuu Yaqaanno Culimadii Banii Israa'iil/ - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:198 وَلَوْ نَزَّلْنَـٰهُ عَلَىٰ بَعْضِ ٱلْأَعْجَمِينَ
26:198 Haddan ku soo Dejino Quraankan Cajamiga Qaarkiis. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:199 فَقَرَأَهُۥ عَلَيْهِم مَّا كَانُوا۟ بِهِۦ مُؤْمِنِينَ
26:199 oo uu ku Akhriyo Korkooda mayna Rumeeyeen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:200 كَذَٰلِكَ سَلَكْنَـٰهُ فِى قُلُوبِ ٱلْمُجْرِمِينَ
26:200 Saasaan u Galinay Diidada Quluubta Dambiilayaasha. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:201 لَا يُؤْمِنُونَ بِهِۦ حَتَّىٰ يَرَوُا۟ ٱلْعَذَابَ ٱلْأَلِيمَ
26:201 Mana Rumaynayaan Xaqa Intay ka Arkaan Cadaab Daran. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:202 فَيَأْتِيَهُم بَغْتَةً وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ
26:202 Oos ugu Yimaaddo Cadaabku Kado Iyagoon Ogayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:203 فَيَقُولُوا۟ هَلْ نَحْنُ مُنظَرُونَ
26:203 Oy Dhahaan ma nala Sugi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:204 أَفَبِعَذَابِنَا يَسْتَعْجِلُونَ
26:204 Ma Cadaabkanagay Dadajisan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:205 أَفَرَءَيْتَ إِن مَّتَّعْنَـٰهُمْ سِنِينَ
26:205 Ka Warraan Haddaan u Raaxayno Sanooyin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:206 ثُمَّ جَآءَهُم مَّا كَانُوا۟ يُوعَدُونَ
26:206 Markaas uu u Yimaaddo wixii loogu Goodinaayey. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:207 مَآ أَغْنَىٰ عَنْهُم مَّا كَانُوا۟ يُمَتَّعُونَ
26:207 Muxuu uga Tari Xaggooda wixii loogu Raaxeeyey. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:208 وَمَآ أَهْلَكْنَا مِن قَرْيَةٍ إِلَّا لَهَا مُنذِرُونَ
26:208 Magaalo aan Halaagno oon loo Diginna ma Jirto. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:209 ذِكْرَىٰ وَمَا كُنَّا ظَـٰلِمِينَ
26:209 Waano Darteed, mana nihin Daalimiin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:210 وَمَا تَنَزَّلَتْ بِهِ ٱلشَّيَـٰطِينُ
26:210 Kumana soo Degto Quraanka Shayaadiintu. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:211 وَمَا يَنۢبَغِى لَهُمْ وَمَا يَسْتَطِيعُونَ
26:211 Kumana Habboona mana Karaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:212 إِنَّهُمْ عَنِ ٱلسَّمْعِ لَمَعْزُولُونَ
26:212 Shayaadiintu Maqalka waa ka Fogyihiin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:213 فَلَا تَدْعُ مَعَ ٱللَّهِ إِلَـٰهًا ءَاخَرَ فَتَكُونَ مِنَ ٱلْمُعَذَّبِينَ
26:213 Ee ha Caabudin (Baryin) Eebe Miciisa Ilaah kale ood Noqoto kuwa la Cadaabo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:214 وَأَنذِرْ عَشِيرَتَكَ ٱلْأَقْرَبِينَ
26:214 Una Dig Qaraabadaada Kuu sii Dhaw. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:215 وَٱخْفِضْ جَنَاحَكَ لِمَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ
26:215 Una Raarici Garabkaaga (U Naxariiso) Ciddii ku Raacda oo Mu'miniinta ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:216 فَإِنْ عَصَوْكَ فَقُلْ إِنِّى بَرِىٓءٌ مِّمَّا تَعْمَلُونَ
26:216 Hadday ku Cassiyaanna waxaad Dhahdaa anigu Bari baan ka ahay waxaad Falaysaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:217 وَتَوَكَّلْ عَلَى ٱلْعَزِيزِ ٱلرَّحِيمِ
26:217 Talo Saaro Eebaha Adkaada ee Naxariista. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:218 ٱلَّذِى يَرَىٰكَ حِينَ تَقُومُ
26:218 Ee ku Arka Markaad Kici. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:219 وَتَقَلُّبَكَ فِى ٱلسَّـٰجِدِينَ
26:219 Iyo Lagagadoonkaaga kuwa Tukan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:220 إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْعَلِيمُ
26:220 Eebana waa Maqle Og. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:221 هَلْ أُنَبِّئُكُمْ عَلَىٰ مَن تَنَزَّلُ ٱلشَّيَـٰطِينُ
26:221 Ma idiinka Warramaa Ruuxay ku soo Degi Shayaadiintu. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:222 تَنَزَّلُ عَلَىٰ كُلِّ أَفَّاكٍ أَثِيمٍ
26:222 Waxay ku soo Degi Beenaale Dambi Badan oo Dhan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:223 يُلْقُونَ ٱلسَّمْعَ وَأَكْثَرُهُمْ كَـٰذِبُونَ
26:223 Waxayna Xadi Maqalka Badankoodna waa Beenaalayaal. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:224 وَٱلشُّعَرَآءُ يَتَّبِعُهُمُ ٱلْغَاوُۥنَ
26:224 Gabayaana waxaa Raaca kuwa Baadida ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:225 أَلَمْ تَرَ أَنَّهُمْ فِى كُلِّ وَادٍ يَهِيمُونَ
26:225 Miyaadan Arkin in Iyagu Tog kasta (Xumaan) ay ku Dhex Wareersanyihiin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:226 وَأَنَّهُمْ يَقُولُونَ مَا لَا يَفْعَلُونَ
26:226 Oyna Sheegi waxayna Falayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

26:227 إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ وَذَكَرُوا۟ ٱللَّهَ كَثِيرًا وَٱنتَصَرُوا۟ مِنۢ بَعْدِ مَا ظُلِمُوا۟ ۗ وَسَيَعْلَمُ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓا۟ أَىَّ مُنقَلَبٍ يَنقَلِبُونَ
26:227 Kuwa Xaqa Rumeeyey Mooyee oo Camal Fiican Fala oo Xusa Eebe wax Badan, oo Gargaarta Dulmi ka Dib, waxayna Ogaan doonaan kuwii Dulmi Falay soo Noqoshaday soo Noqdaan (Qiyaamada). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)