Selected
Original Text
Mahmud Muhammad Abduh
Abdullah Yusuf Ali
Abdul Majid Daryabadi
Abul Ala Maududi
Ahmed Ali
Ahmed Raza Khan
A. J. Arberry
Ali Quli Qarai
Hasan al-Fatih Qaribullah and Ahmad Darwish
Mohammad Habib Shakir
Mohammed Marmaduke William Pickthall
Muhammad Sarwar
Muhammad Taqi-ud-Din al-Hilali and Muhammad Muhsin Khan
Safi-ur-Rahman al-Mubarakpuri
Saheeh International
Talal Itani
Transliteration
Wahiduddin Khan
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
In the name of Allah, Most Gracious, Most Merciful.
83:1
وَيْلٌ لِّلْمُطَفِّفِينَ
83:1
Wuxuu Halaag u sugnaaday kuwa xaqa nusqaamiya. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:2
ٱلَّذِينَ إِذَا ٱكْتَالُوا۟ عَلَى ٱلنَّاسِ يَسْتَوْفُونَ
83:2
Waa kuwa markay miisina oofsada (dhammaystirta). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:3
وَإِذَا كَالُوهُمْ أَو وَّزَنُوهُمْ يُخْسِرُونَ
83:3
Markay u miisi ama u miisaamina ka nusqaamiya. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:4
أَلَا يَظُنُّ أُو۟لَـٰٓئِكَ أَنَّهُم مَّبْعُوثُونَ
83:4
Miyayna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:5
لِيَوْمٍ عَظِيمٍ
83:5
Maalin wayn darteed (Qiyaamada). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:6
يَوْمَ يَقُومُ ٱلنَّاسُ لِرَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
83:6
Maalinta Dadku u istaagi Eebaha Caalamka. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:7
كَلَّآ إِنَّ كِتَـٰبَ ٱلْفُجَّارِ لَفِى سِجِّينٍ
83:7
Saas ma aha ee Camalka kuwa xun wuxuu ku Qoranyahay Sijiin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:8
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا سِجِّينٌ
83:8
Ma taqaannaa Sijiin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:9
كِتَـٰبٌ مَّرْقُومٌ
83:9
Waa Kitaab calaamaysan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:10
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
83:10
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa beeniya (xaqa). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:11
ٱلَّذِينَ يُكَذِّبُونَ بِيَوْمِ ٱلدِّينِ
83:11
Ee ah kuwa beeniya Maalinta abaal marinta. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:12
وَمَا يُكَذِّبُ بِهِۦٓ إِلَّا كُلُّ مُعْتَدٍ أَثِيمٍ
83:12
Waxaana beeniya xaqa mid xad gudba oo dambiila ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:13
إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ ءَايَـٰتُنَا قَالَ أَسَـٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ
83:13
Marka Quraanka lagu akhriyana yidhaahda waa warkii Dadkii hore. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:14
كَلَّا ۖ بَلْ ۜ رَانَ عَلَىٰ قُلُوبِهِم مَّا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ
83:14
Saas ma aha ee waxaa fuulay Qalbigooda (mirdhiyay) waxay kasbanjireen oo Dambi ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:15
كَلَّآ إِنَّهُمْ عَن رَّبِّهِمْ يَوْمَئِذٍ لَّمَحْجُوبُونَ
83:15
Waxaa sugan in Eebohood Maalintaas (Qiyaame) laga xijaabi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:16
ثُمَّ إِنَّهُمْ لَصَالُوا۟ ٱلْجَحِيمِ
83:16
Markaasna ay gali Jaxiimo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:17
ثُمَّ يُقَالُ هَـٰذَا ٱلَّذِى كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ
83:17
Waxaana loo odhan tani waa Naartaad ku beeninayseen Adduunka. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:18
كَلَّآ إِنَّ كِتَـٰبَ ٱلْأَبْرَارِ لَفِى عِلِّيِّينَ
83:18
Saas xaalku ma aha ee Kitaabka iyo Camalka Dadka Wanaagsan wuxuu ku Quranyahay Cilliyiin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:19
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا عِلِّيُّونَ
83:19
Cilliyiin ma taqaannaa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:20
كِتَـٰبٌ مَّرْقُومٌ
83:20
Waa Kitaab la Calaameeyay (oo Dadka fiican magaciisa lagu qoro. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:21
يَشْهَدُهُ ٱلْمُقَرَّبُونَ
83:21
Waxaana Gacanta ku haya Malaa'ig Eebe u dhaw. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:22
إِنَّ ٱلْأَبْرَارَ لَفِى نَعِيمٍ
83:22
Kuwa wanaagsan waxay gali Naciima (Janno). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:23
عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ
83:23
(Maalinta Qiyaamana) Sariiro yay ku dangiigsanaan oy wax ka daawan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:24
تَعْرِفُ فِى وُجُوهِهِمْ نَضْرَةَ ٱلنَّعِيمِ
83:24
Wajigooda waanad ka garan Nicmada. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:25
يُسْقَوْنَ مِن رَّحِيقٍ مَّخْتُومٍ
83:25
Waxaana laga waraabin cabbid la dhawray (oo macaan). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:26
خِتَـٰمُهُۥ مِسْكٌ ۚ وَفِى ذَٰلِكَ فَلْيَتَنَافَسِ ٱلْمُتَنَـٰفِسُونَ
83:26
Waxaana lagu khatimaa Miski iyo udgoon, ee Arrintaas ha u tartameen Tartamayaashu. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:27
وَمِزَاجُهُۥ مِن تَسْنِيمٍ
83:27
Waxaana lagu dheehi Cabbitaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:28
عَيْنًا يَشْرَبُ بِهَا ٱلْمُقَرَّبُونَ
83:28
Waa Il ay ka cabbaan kuwa Eebe u dhaw. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:29
إِنَّ ٱلَّذِينَ أَجْرَمُوا۟ كَانُوا۟ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ يَضْحَكُونَ
83:29
Kuwii Dambaabay (Gaaloobay) waxay ahaayeen kuwa ku qosla kuwii xaqa rumeeyay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:30
وَإِذَا مَرُّوا۟ بِهِمْ يَتَغَامَزُونَ
83:30
Haday maraanna way xaqirijireen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:31
وَإِذَا ٱنقَلَبُوٓا۟ إِلَىٰٓ أَهْلِهِمُ ٱنقَلَبُوا۟ فَكِهِينَ
83:31
Markay Guryahoodii u noqdaanna (gaaladu) waxay noqonjireen iyagoo isla Wayn (oo raaxaysan). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:32
وَإِذَا رَأَوْهُمْ قَالُوٓا۟ إِنَّ هَـٰٓؤُلَآءِ لَضَآلُّونَ
83:32
Markay arkaan Mu'miniintana waxay dhahaan kuwaasi waa dhunsanyihiin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:33
وَمَآ أُرْسِلُوا۟ عَلَيْهِمْ حَـٰفِظِينَ
83:33
Loomana dirin inay ilaaliyaan Mu'miniinta. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:34
فَٱلْيَوْمَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مِنَ ٱلْكُفَّارِ يَضْحَكُونَ
83:34
Maalinta (qiyaame) kuwa rumeeyay xaqa waxay ku qosli gaalada. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:35
عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ
83:35
Sariiro korkood yayna wax daawan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
83:36
هَلْ ثُوِّبَ ٱلْكُفَّارُ مَا كَانُوا۟ يَفْعَلُونَ
83:36
Miyaan laga abaalmarinnin Gaalada waxay falayeen. (waa laga abaalmariyay). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)