Selected

Original Text
Mahmud Muhammad Abduh

Available Translations

79 An-Nāzi`āt ٱلنَّازِعَات

< Previous   46 Āyah   Those who drag forth      Next >  

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
In the name of Allah, Most Gracious, Most Merciful.

79:1 وَٱلنَّـٰزِعَـٰتِ غَرْقًا
79:1 Eebe wuxuu ku dhaartay Malaa'igta Nafta si daran uga siibta (gaalada). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:2 وَٱلنَّـٰشِطَـٰتِ نَشْطًا
79:2 Iyo tan si fudud uga qaadda (mu'miniinta). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:3 وَٱلسَّـٰبِحَـٰتِ سَبْحًا
79:3 Iyo Malaa'igta Hawada Dabbaalata (si amar fulin). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:4 فَٱلسَّـٰبِقَـٰتِ سَبْقًا
79:4 Iyo tan u orotanta wanaagga. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:5 فَٱلْمُدَبِّرَٰتِ أَمْرًا
79:5 Iyo kuwa Maamula amarka (Eebe). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:6 يَوْمَ تَرْجُفُ ٱلرَّاجِفَةُ
79:6 Maalinta ay gilgilan afuufka (hore). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:7 تَتْبَعُهَا ٱلرَّادِفَةُ
79:7 Oyna raaci tii dambe (waa sugantahay). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:8 قُلُوبٌ يَوْمَئِذٍ وَاجِفَةٌ
79:8 Qalbiyaduna Maalintaa way cabsan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:9 أَبْصَـٰرُهَا خَـٰشِعَةٌ
79:9 Araggeeduna wuu dullaysnaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:10 يَقُولُونَ أَءِنَّا لَمَرْدُودُونَ فِى ٱلْحَافِرَةِ
79:10 Waxayna dhihi (Gaaladu) Ma raadkiibaa naloo celin (Adduunkii). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:11 أَءِذَا كُنَّا عِظَـٰمًا نَّخِرَةً
79:11 Markaan noqonno Lafo duugoobay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:12 قَالُوا۟ تِلْكَ إِذًا كَرَّةٌ خَاسِرَةٌ
79:12 Waxay dheheen taasi waa noqosho khasaara ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:13 فَإِنَّمَا هِىَ زَجْرَةٌ وَٰحِدَةٌ
79:13 Waa uun Hal Qaylo kaliya. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:14 فَإِذَا هُم بِٱلسَّاهِرَةِ
79:14 Dadkuna markaas ay Dhulka kor iman. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:15 هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ مُوسَىٰٓ
79:15 Ma ku soo gaadhay warkii (Nabi) Muuse. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:16 إِذْ نَادَىٰهُ رَبُّهُۥ بِٱلْوَادِ ٱلْمُقَدَّسِ طُوًى
79:16 Markii Eebe uga yeedahy Toggii barakaysnaa ee Dhuwa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:17 ٱذْهَبْ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ
79:17 Kuna yidhi u tag Fircoon wuu xadgudbaye. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:18 فَقُلْ هَل لَّكَ إِلَىٰٓ أَن تَزَكَّىٰ
79:18 Oo ku dheh ma rabtaa inaad daahir noqotid. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:19 وَأَهْدِيَكَ إِلَىٰ رَبِّكَ فَتَخْشَىٰ
79:19 Oon Eebe Jidkiisa kugu hanuuniyo kana yaabtid. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:20 فَأَرَىٰهُ ٱلْـَٔايَةَ ٱلْكُبْرَىٰ
79:20 Wuxuuna tusiyay (Nabi-Muuse) Aayad wayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:21 فَكَذَّبَ وَعَصَىٰ
79:21 Wuuse beeniyay oo caasiyay (Fircoon). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:22 ثُمَّ أَدْبَرَ يَسْعَىٰ
79:22 Wuuna jeedsaday isagoo xumaan la socda. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:23 فَحَشَرَ فَنَادَىٰ
79:23 Wuxuuna kulmiyay (Askartii) una Qaylyay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:24 فَقَالَ أَنَا۠ رَبُّكُمُ ٱلْأَعْلَىٰ
79:24 Isagoo dhihi waxaan ahay Eebihiinna sare. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:25 فَأَخَذَهُ ٱللَّهُ نَكَالَ ٱلْـَٔاخِرَةِ وَٱلْأُولَىٰٓ
79:25 Markaasaa Eebe Ciqaabay Aakhiro iyo Adduunba. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:26 إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَعِبْرَةً لِّمَن يَخْشَىٰٓ
79:26 Arrintaasna waano yaa ugu sugan Ruuxii Eebe ka yaabi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:27 ءَأَنتُمْ أَشَدُّ خَلْقًا أَمِ ٱلسَّمَآءُ ۚ بَنَىٰهَا
79:27 Ma idinkaa daran abuuridda masc Samada Eebaa dhisay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:28 رَفَعَ سَمْكَهَا فَسَوَّىٰهَا
79:28 Korna yeelay jurmigeeda ekeeyayna. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:29 وَأَغْطَشَ لَيْلَهَا وَأَخْرَجَ ضُحَىٰهَا
79:29 Habeenkeedana madoobeeyay Maalinteedana soo bixiyay (Ifiyay). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:30 وَٱلْأَرْضَ بَعْدَ ذَٰلِكَ دَحَىٰهَآ
79:30 Dhulkana markaas ka dib fidiyay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:31 أَخْرَجَ مِنْهَا مَآءَهَا وَمَرْعَىٰهَا
79:31 Biyahiisa iyo Daaqiisana soo bixiyay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:32 وَٱلْجِبَالَ أَرْسَىٰهَا
79:32 Buurahana sugay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:33 مَتَـٰعًا لَّكُمْ وَلِأَنْعَـٰمِكُمْ
79:33 Si aad idinka iyo Xoolihiinnu ugu nacfidaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:34 فَإِذَا جَآءَتِ ٱلطَّآمَّةُ ٱلْكُبْرَىٰ
79:34 Markay timaaddo Musiibadii waynayd (qiyaamadu). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:35 يَوْمَ يَتَذَكَّرُ ٱلْإِنسَـٰنُ مَا سَعَىٰ
79:35 Maalintaas Dadku way xusuusan waxay faleen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:36 وَبُرِّزَتِ ٱلْجَحِيمُ لِمَن يَرَىٰ
79:36 Naarta Jaxiimana waxaa loo muujin Ruuxii Arki. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:37 فَأَمَّا مَن طَغَىٰ
79:37 Ruuxiise xadgudba. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:38 وَءَاثَرَ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا
79:38 Nolosha Adduunyana doorta. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:39 فَإِنَّ ٱلْجَحِيمَ هِىَ ٱلْمَأْوَىٰ
79:39 Wuxuu ku dheelman Naarta Jaxiimo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:40 وَأَمَّا مَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِۦ وَنَهَى ٱلنَّفْسَ عَنِ ٱلْهَوَىٰ
79:40 Ruuxiise ka yaaba la kulanka Eebe Naftana ka reeba Hawada (xun). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:41 فَإِنَّ ٱلْجَنَّةَ هِىَ ٱلْمَأْوَىٰ
79:41 Wuxuu u dheelman Janno. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:42 يَسْـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلسَّاعَةِ أَيَّانَ مُرْسَىٰهَا
79:42 Waxay ku waydiin Saacadda (Qiyaamaha) markay sugnaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:43 فِيمَ أَنتَ مِن ذِكْرَىٰهَآ
79:43 Maxaa ku ogaysiiyay waqtigeeda. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:44 إِلَىٰ رَبِّكَ مُنتَهَىٰهَآ
79:44 Eebe umbuu ku dhammaan ogaansheheedu. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:45 إِنَّمَآ أَنتَ مُنذِرُ مَن يَخْشَىٰهَا
79:45 Adugu waxaad tahay uun u digaha Ruuxii ka yaabi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

79:46 كَأَنَّهُمْ يَوْمَ يَرَوْنَهَا لَمْ يَلْبَثُوٓا۟ إِلَّا عَشِيَّةً أَوْ ضُحَىٰهَا
79:46 Waxay la mid noqon Malintay arkaan (Qiyaamada) yagon nagaanin Galab iyo Barqin mooyeen (Addunka). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)