Selected

Original Text
Mahmud Muhammad Abduh

Available Translations

54 Al-Qamar ٱلْقَمَر

< Previous   55 Āyah   The Moon      Next >  

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
In the name of Allah, Most Gracious, Most Merciful.

54:1 ٱقْتَرَبَتِ ٱلسَّاعَةُ وَٱنشَقَّ ٱلْقَمَرُ
54:1 Waxaa dhawaatay Saacaddii (Qiyaame), dayixiina wuu dillaacay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:2 وَإِن يَرَوْا۟ ءَايَةً يُعْرِضُوا۟ وَيَقُولُوا۟ سِحْرٌ مُّسْتَمِرٌّ
54:2 Hadday Gaaladu arkaan Aayad way ka jeedsadaan waxayna dhahaan waa Sixir daran. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:3 وَكَذَّبُوا۟ وَٱتَّبَعُوٓا۟ أَهْوَآءَهُمْ ۚ وَكُلُّ أَمْرٍ مُّسْتَقِرٌّ
54:3 Way beeniyeen (Nabiga iyo xaqa) waxayna raaceen Hawadooda, amar kastana wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:4 وَلَقَدْ جَآءَهُم مِّنَ ٱلْأَنۢبَآءِ مَا فِيهِ مُزْدَجَرٌ
54:4 Waxaana ugu yimid dhab ahaan warar ku dheehan waano. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:5 حِكْمَةٌۢ بَـٰلِغَةٌ ۖ فَمَا تُغْنِ ٱلنُّذُرُ
54:5 Waana Xigmad xeel dheer, maxaysa tari udigidi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:6 فَتَوَلَّ عَنْهُمْ ۘ يَوْمَ يَدْعُ ٱلدَّاعِ إِلَىٰ شَىْءٍ نُّكُرٍ
54:6 Ee iskaga jeedso (sugna) Maalinta mid dhawaaqaa uu ugu yeedhi wax daran. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:7 خُشَّعًا أَبْصَـٰرُهُمْ يَخْرُجُونَ مِنَ ٱلْأَجْدَاثِ كَأَنَّهُمْ جَرَادٌ مُّنتَشِرٌ
54:7 Aragooduna wuu dullaysnaan waxayna ka soo bixi Qubuurahooda iyagood moodid Ayax faafay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:8 مُّهْطِعِينَ إِلَى ٱلدَّاعِ ۖ يَقُولُ ٱلْكَـٰفِرُونَ هَـٰذَا يَوْمٌ عَسِرٌ
54:8 Iyagoo u dagdagi dhawaaqaha xaggiisa, waxayna dhihi Gaaladu kani waa Maalin daran. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:9 ۞ كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍ فَكَذَّبُوا۟ عَبْدَنَا وَقَالُوا۟ مَجْنُونٌ وَٱزْدُجِرَ
54:9 Waxaa beeniyay (xaqa) iyaga hortood (Nabi) Nuux Qoomkiisii, waxay beeniyeen Addonkanagii, waxayna dheheen wuu waalanyahay, waana la guulguulay, «oo la canaantay». - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:10 فَدَعَا رَبَّهُۥٓ أَنِّى مَغْلُوبٌ فَٱنتَصِرْ
54:10 Eebuuna tuugay inuu tabaryaryahay oo u gargaaro. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:11 فَفَتَحْنَآ أَبْوَٰبَ ٱلسَّمَآءِ بِمَآءٍ مُّنْهَمِرٍ
54:11 Markaasaan ku furay Albaabbada Samada (Cirka) Biyo badanna ka keenay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:12 وَفَجَّرْنَا ٱلْأَرْضَ عُيُونًا فَٱلْتَقَى ٱلْمَآءُ عَلَىٰٓ أَمْرٍ قَدْ قُدِرَ
54:12 Dhulkana Eebaa ka dillaaciyay ilo, wayna kulmeen biyihii amar la qadaray dartiis. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:13 وَحَمَلْنَـٰهُ عَلَىٰ ذَاتِ أَلْوَٰحٍ وَدُسُرٍ
54:13 Waxaanna ku xambaaray Nabi Nuux (Doon) Looxyo iyo Musbaarro leh. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:14 تَجْرِى بِأَعْيُنِنَا جَزَآءً لِّمَن كَانَ كُفِرَ
54:14 Kuna socota illalintanada si loo abaalmariyo cidda Gaalowday. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:15 وَلَقَد تَّرَكْنَـٰهَآ ءَايَةً فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ
54:15 Waxaan uga tagnay (yuu Eebe yidhi) Calaamad (lagu wantoobo) ee ma jirtaa cid wacdoomi (oo wax xusuusan). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:16 فَكَيْفَ كَانَ عَذَابِى وَنُذُرِ
54:16 Seese yahay Caddib Eebe iyo digiddiisu. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:17 وَلَقَدْ يَسَّرْنَا ٱلْقُرْءَانَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ
54:17 Waan fududaynnay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:18 كَذَّبَتْ عَادٌ فَكَيْفَ كَانَ عَذَابِى وَنُذُرِ
54:18 Caadna way beenisay (xaqii), seese noqotay caddibaaddii Eebe iyo u digitiisii. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:19 إِنَّآ أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ رِيحًا صَرْصَرًا فِى يَوْمِ نَحْسٍ مُّسْتَمِرٍّ
54:19 Waxaan ku dirray korkooda dabayl qabaw daran Maalin baasaysan dhexdeed oo Joogta ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:20 تَنزِعُ ٱلنَّاسَ كَأَنَّهُمْ أَعْجَازُ نَخْلٍ مُّنقَعِرٍ
54:20 Oo dadka siibaysa sida Timir gunteedii la rujiyay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:21 فَكَيْفَ كَانَ عَذَابِى وَنُذُرِ
54:21 Seese ahaa caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:22 وَلَقَدْ يَسَّرْنَا ٱلْقُرْءَانَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ
54:22 Waxaan ufududaynay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:23 كَذَّبَتْ ثَمُودُ بِٱلنُّذُرِ
54:23 Waxaa beenisay (xaqii) loogu digay Thamuud. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:24 فَقَالُوٓا۟ أَبَشَرًا مِّنَّا وَٰحِدًا نَّتَّبِعُهُۥٓ إِنَّآ إِذًا لَّفِى ضَلَـٰلٍ وَسُعُرٍ
54:24 Waxayna dheheen ma Ruux dad ah oo naga mid ah yaan raacaynaa, markaas waxaan ku sugannahay baadi iyo dhibaato. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:25 أَءُلْقِىَ ٱلذِّكْرُ عَلَيْهِ مِنۢ بَيْنِنَا بَلْ هُوَ كَذَّابٌ أَشِرٌ
54:25 Ma isagoo na dhexjoogaa waxyi lagu soo dajiyay, saas ma aha ee waa beenbadane kibirlow ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:26 سَيَعْلَمُونَ غَدًا مَّنِ ٱلْكَذَّابُ ٱلْأَشِرُ
54:26 Way ogaan doonaan barri cidda beenbadane kibirlow ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:27 إِنَّا مُرْسِلُوا۟ ٱلنَّاقَةِ فِتْنَةً لَّهُمْ فَٱرْتَقِبْهُمْ وَٱصْطَبِرْ
54:27 Hashii Annagaa soo bixinnay Jirrabkooda dartiis, Ee sug kuna samir. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:28 وَنَبِّئْهُمْ أَنَّ ٱلْمَآءَ قِسْمَةٌۢ بَيْنَهُمْ ۖ كُلُّ شِرْبٍ مُّحْتَضَرٌ
54:28 Una warran in biyuhu yihiin qayb (iyaga iyo Hasha), cidbana maalin gaara leedahay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:29 فَنَادَوْا۟ صَاحِبَهُمْ فَتَعَاطَىٰ فَعَقَرَ
54:29 Waxay u dhawaaqeen saaxiibkood hashiina wuu dilay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:30 فَكَيْفَ كَانَ عَذَابِى وَنُذُرِ
54:30 Seese ahaa caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:31 إِنَّآ أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ صَيْحَةً وَٰحِدَةً فَكَانُوا۟ كَهَشِيمِ ٱلْمُحْتَظِرِ
54:31 Dhawaaq kaliyaan ku siidaynay, waxayna la mid noqdeen jabad burburay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:32 وَلَقَدْ يَسَّرْنَا ٱلْقُرْءَانَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ
54:32 Quraankana waan u fududaynay xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:33 كَذَّبَتْ قَوْمُ لُوطٍۭ بِٱلنُّذُرِ
54:33 Way beeniyeen Qoomkii (NabiLuudh) u digiddii. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:34 إِنَّآ أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ حَاصِبًا إِلَّآ ءَالَ لُوطٍ ۖ نَّجَّيْنَـٰهُم بِسَحَرٍ
54:34 Waxaana ku dirray korkooda Dabayl Dhagaxyo wadaa, waxaanse ka nabadgalinnay (Luudh) ehelkiisii (rumeeyay) goor Aroor ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:35 نِّعْمَةً مِّنْ عِندِنَا ۚ كَذَٰلِكَ نَجْزِى مَن شَكَرَ
54:35 Nicmad xaggannaga ka timid darteed saasaana u abaalmarinnaa ciddii mahadisa (Eebe). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:36 وَلَقَدْ أَنذَرَهُم بَطْشَتَنَا فَتَمَارَوْا۟ بِٱلنُّذُرِ
54:36 Nabi-Luudh wuxuu uga digay qoomkiisii qabashadannada (daran), wayse shakiyeen digiddaas. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:37 وَلَقَدْ رَٰوَدُوهُ عَن ضَيْفِهِۦ فَطَمَسْنَآ أَعْيُنَهُمْ فَذُوقُوا۟ عَذَابِى وَنُذُرِ
54:37 Waxayna dooneen martidiisii (inay xumeeyaan) markaasaan indhaha tirray, waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo digiddiisa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:38 وَلَقَدْ صَبَّحَهُم بُكْرَةً عَذَابٌ مُّسْتَقِرٌّ
54:38 Waxaa ku waabariistay caddibaad sugan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:39 فَذُوقُوا۟ عَذَابِى وَنُذُرِ
54:39 Waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo digiddiisa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:40 وَلَقَدْ يَسَّرْنَا ٱلْقُرْءَانَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ
54:40 Waan fududaynay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:41 وَلَقَدْ جَآءَ ءَالَ فِرْعَوْنَ ٱلنُّذُرُ
54:41 Fircoon iyo ehelkiisii waxaa uyimid digid. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:42 كَذَّبُوا۟ بِـَٔايَـٰتِنَا كُلِّهَا فَأَخَذْنَـٰهُمْ أَخْذَ عَزِيزٍ مُّقْتَدِرٍ
54:42 Wayna beeniyeen Aayaadkannagii dhammaanteed, markaasaan u qabannay si xoog iyo awood leh. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:43 أَكُفَّارُكُمْ خَيْرٌ مِّنْ أُو۟لَـٰٓئِكُمْ أَمْ لَكُم بَرَآءَةٌ فِى ٱلزُّبُرِ
54:43 Ma Gaaladinnan baa ka khayr badan kuwaas mase dambi la'aanbaa idiin ku sugan Kutubta. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:44 أَمْ يَقُولُونَ نَحْنُ جَمِيعٌ مُّنتَصِرٌ
54:44 Mase waxay dhihi koox guulaysan yaanahay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:45 سَيُهْزَمُ ٱلْجَمْعُ وَيُوَلُّونَ ٱلدُّبُرَ
54:45 Waa la jabin kooxda, Dabadayna jeedin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:46 بَلِ ٱلسَّاعَةُ مَوْعِدُهُمْ وَٱلسَّاعَةُ أَدْهَىٰ وَأَمَرُّ
54:46 Saacadda (Qiyaame) yaa ballan u ah, Saacadduna iyadaa daran oo khadhaadh. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:47 إِنَّ ٱلْمُجْرِمِينَ فِى ضَلَـٰلٍ وَسُعُرٍ
54:47 Kuwa dambiilayaasha ah baadi iyo fogaansho yay ku suganyihiin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:48 يَوْمَ يُسْحَبُونَ فِى ٱلنَّارِ عَلَىٰ وُجُوهِهِمْ ذُوقُوا۟ مَسَّ سَقَرَ
54:48 (Waxaana lagu dhihi) Maalinta Naarta WajiWaji loogu ridi dhadhamiya taabashada Saqara. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:49 إِنَّا كُلَّ شَىْءٍ خَلَقْنَـٰهُ بِقَدَرٍ
54:49 Wax kasta waxaan ku abuurray qadar. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:50 وَمَآ أَمْرُنَآ إِلَّا وَٰحِدَةٌ كَلَمْحٍۭ بِٱلْبَصَرِ
54:50 Amarkannaguna ma aha mid mooyeen sida Ilbidhiqsi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:51 وَلَقَدْ أَهْلَكْنَآ أَشْيَاعَكُمْ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ
54:51 Dhab ahaan baan u halaagnay kuwa idin la mid ah, ee wax waantoobi ma jiraa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:52 وَكُلُّ شَىْءٍ فَعَلُوهُ فِى ٱلزُّبُرِ
54:52 Wax kastoo dadku falo wuxuu ku suganyahay Kutubta. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:53 وَكُلُّ صَغِيرٍ وَكَبِيرٍ مُّسْتَطَرٌ
54:53 Wax kastoo yar ama waynna waa qoranyahay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:54 إِنَّ ٱلْمُتَّقِينَ فِى جَنَّـٰتٍ وَنَهَرٍ
54:54 Kuwa dhawrsadana waxay gali Jannooyin iyo wabiyaal. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

54:55 فِى مَقْعَدِ صِدْقٍ عِندَ مَلِيكٍ مُّقْتَدِرٍۭ
54:55 Meel la fadhiisto oo xaq ah oo Eebaha awoodda leh agtiisa ah (yaa u sugnaatay). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)