Selected
                        Original Text
                        
                    
                
                    
                        Mahmud Muhammad Abduh
                        
                        
                        
                    
                
                Abdullah Yusuf Ali
Abdul Majid Daryabadi
Abul Ala Maududi
Ahmed Ali
Ahmed Raza Khan
A. J. Arberry
Ali Quli Qarai
Hasan al-Fatih Qaribullah and Ahmad Darwish
Mohammad Habib Shakir
Mohammed Marmaduke William Pickthall
Muhammad Sarwar
Muhammad Taqi-ud-Din al-Hilali and Muhammad Muhsin Khan
Safi-ur-Rahman al-Mubarakpuri
Saheeh International
Talal Itani
Transliteration
Wahiduddin Khan
                    بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
                
                
                    In the name of Allah, Most Gracious, Most Merciful.
                
            
                    79:1
                    وَٱلنَّـٰزِعَـٰتِ غَرْقًا
                
                
                
                
                
                    79:1
                    Eebe wuxuu ku dhaartay Malaa'igta Nafta si daran uga siibta (gaalada).  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:2
                    وَٱلنَّـٰشِطَـٰتِ نَشْطًا
                
                
                
                
                
                    79:2
                    Iyo tan si fudud uga qaadda (mu'miniinta).  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:3
                    وَٱلسَّـٰبِحَـٰتِ سَبْحًا
                
                
                
                
                
                    79:3
                    Iyo Malaa'igta Hawada Dabbaalata (si amar fulin).  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:4
                    فَٱلسَّـٰبِقَـٰتِ سَبْقًا
                
                
                
                
                
                    79:4
                    Iyo tan u orotanta wanaagga.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:5
                    فَٱلْمُدَبِّرَٰتِ أَمْرًا
                
                
                
                
                
                    79:5
                    Iyo kuwa Maamula amarka (Eebe).  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:6
                    يَوْمَ تَرْجُفُ ٱلرَّاجِفَةُ
                
                
                
                
                
                    79:6
                    Maalinta ay gilgilan afuufka (hore).  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:7
                    تَتْبَعُهَا ٱلرَّادِفَةُ
                
                
                
                
                
                    79:7
                    Oyna raaci tii dambe (waa sugantahay).  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:8
                    قُلُوبٌ يَوْمَئِذٍ وَاجِفَةٌ
                
                
                
                
                
                    79:8
                    Qalbiyaduna Maalintaa way cabsan.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:9
                    أَبْصَـٰرُهَا خَـٰشِعَةٌ
                
                
                
                
                
                    79:9
                    Araggeeduna wuu dullaysnaan.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:10
                    يَقُولُونَ أَءِنَّا لَمَرْدُودُونَ فِى ٱلْحَافِرَةِ
                
                
                
                
                
                    79:10
                    Waxayna dhihi (Gaaladu) Ma raadkiibaa naloo celin (Adduunkii).  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:11
                    أَءِذَا كُنَّا عِظَـٰمًا نَّخِرَةً
                
                
                
                
                
                    79:11
                    Markaan noqonno Lafo duugoobay.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:12
                    قَالُوا۟ تِلْكَ إِذًا كَرَّةٌ خَاسِرَةٌ
                
                
                
                
                
                    79:12
                    Waxay dheheen taasi waa noqosho khasaara ah.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:13
                    فَإِنَّمَا هِىَ زَجْرَةٌ وَٰحِدَةٌ
                
                
                
                
                
                    79:13
                    Waa uun Hal Qaylo kaliya.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:14
                    فَإِذَا هُم بِٱلسَّاهِرَةِ
                
                
                
                
                
                    79:14
                    Dadkuna markaas ay Dhulka kor iman.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:15
                    هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ مُوسَىٰٓ
                
                
                
                
                
                    79:15
                    Ma ku soo gaadhay warkii (Nabi) Muuse.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:16
                    إِذْ نَادَىٰهُ رَبُّهُۥ بِٱلْوَادِ ٱلْمُقَدَّسِ طُوًى
                
                
                
                
                
                    79:16
                    Markii Eebe uga yeedahy Toggii barakaysnaa ee Dhuwa.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:17
                    ٱذْهَبْ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ
                
                
                
                
                
                    79:17
                    Kuna yidhi u tag Fircoon wuu xadgudbaye.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:18
                    فَقُلْ هَل لَّكَ إِلَىٰٓ أَن تَزَكَّىٰ
                
                
                
                
                
                    79:18
                    Oo ku dheh ma rabtaa inaad daahir noqotid.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:19
                    وَأَهْدِيَكَ إِلَىٰ رَبِّكَ فَتَخْشَىٰ
                
                
                
                
                
                    79:19
                    Oon Eebe Jidkiisa kugu hanuuniyo kana yaabtid.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:20
                    فَأَرَىٰهُ ٱلْـَٔايَةَ ٱلْكُبْرَىٰ
                
                
                
                
                
                    79:20
                    Wuxuuna tusiyay (Nabi-Muuse) Aayad wayn.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:21
                    فَكَذَّبَ وَعَصَىٰ
                
                
                
                
                
                    79:21
                    Wuuse beeniyay oo caasiyay (Fircoon).  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:22
                    ثُمَّ أَدْبَرَ يَسْعَىٰ
                
                
                
                
                
                    79:22
                    Wuuna jeedsaday isagoo xumaan la socda.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:23
                    فَحَشَرَ فَنَادَىٰ
                
                
                
                
                
                    79:23
                    Wuxuuna kulmiyay (Askartii) una Qaylyay.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:24
                    فَقَالَ أَنَا۠ رَبُّكُمُ ٱلْأَعْلَىٰ
                
                
                
                
                
                    79:24
                    Isagoo dhihi waxaan ahay Eebihiinna sare.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:25
                    فَأَخَذَهُ ٱللَّهُ نَكَالَ ٱلْـَٔاخِرَةِ وَٱلْأُولَىٰٓ
                
                
                
                
                
                    79:25
                    Markaasaa Eebe Ciqaabay Aakhiro iyo Adduunba.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:26
                    إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَعِبْرَةً لِّمَن يَخْشَىٰٓ
                
                
                
                
                
                    79:26
                    Arrintaasna waano yaa ugu sugan Ruuxii Eebe ka yaabi.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:27
                    ءَأَنتُمْ أَشَدُّ خَلْقًا أَمِ ٱلسَّمَآءُ ۚ بَنَىٰهَا
                
                
                
                
                
                    79:27
                    Ma idinkaa daran abuuridda masc Samada Eebaa dhisay.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:28
                    رَفَعَ سَمْكَهَا فَسَوَّىٰهَا
                
                
                
                
                
                    79:28
                    Korna yeelay jurmigeeda ekeeyayna.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:29
                    وَأَغْطَشَ لَيْلَهَا وَأَخْرَجَ ضُحَىٰهَا
                
                
                
                
                
                    79:29
                    Habeenkeedana madoobeeyay Maalinteedana soo bixiyay (Ifiyay).  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:30
                    وَٱلْأَرْضَ بَعْدَ ذَٰلِكَ دَحَىٰهَآ
                
                
                
                
                
                    79:30
                    Dhulkana markaas ka dib fidiyay.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:31
                    أَخْرَجَ مِنْهَا مَآءَهَا وَمَرْعَىٰهَا
                
                
                
                
                
                    79:31
                    Biyahiisa iyo Daaqiisana soo bixiyay.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:32
                    وَٱلْجِبَالَ أَرْسَىٰهَا
                
                
                
                
                
                    79:32
                    Buurahana sugay.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:33
                    مَتَـٰعًا لَّكُمْ وَلِأَنْعَـٰمِكُمْ
                
                
                
                
                
                    79:33
                    Si aad idinka iyo Xoolihiinnu ugu nacfidaan.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:34
                    فَإِذَا جَآءَتِ ٱلطَّآمَّةُ ٱلْكُبْرَىٰ
                
                
                
                
                
                    79:34
                    Markay timaaddo Musiibadii waynayd (qiyaamadu).  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:35
                    يَوْمَ يَتَذَكَّرُ ٱلْإِنسَـٰنُ مَا سَعَىٰ
                
                
                
                
                
                    79:35
                    Maalintaas Dadku way xusuusan waxay faleen.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:36
                    وَبُرِّزَتِ ٱلْجَحِيمُ لِمَن يَرَىٰ
                
                
                
                
                
                    79:36
                    Naarta Jaxiimana waxaa loo muujin Ruuxii Arki.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:37
                    فَأَمَّا مَن طَغَىٰ
                
                
                
                
                
                    79:37
                    Ruuxiise xadgudba.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:38
                    وَءَاثَرَ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا
                
                
                
                
                
                    79:38
                    Nolosha Adduunyana doorta.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:39
                    فَإِنَّ ٱلْجَحِيمَ هِىَ ٱلْمَأْوَىٰ
                
                
                
                
                
                    79:39
                    Wuxuu ku dheelman Naarta Jaxiimo.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:40
                    وَأَمَّا مَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِۦ وَنَهَى ٱلنَّفْسَ عَنِ ٱلْهَوَىٰ
                
                
                
                
                
                    79:40
                    Ruuxiise ka yaaba la kulanka Eebe Naftana ka reeba Hawada (xun).  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:41
                    فَإِنَّ ٱلْجَنَّةَ هِىَ ٱلْمَأْوَىٰ
                
                
                
                
                
                    79:41
                    Wuxuu u dheelman Janno.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:42
                    يَسْـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلسَّاعَةِ أَيَّانَ مُرْسَىٰهَا
                
                
                
                
                
                    79:42
                    Waxay ku waydiin Saacadda (Qiyaamaha) markay sugnaan.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:43
                    فِيمَ أَنتَ مِن ذِكْرَىٰهَآ
                
                
                
                
                
                    79:43
                    Maxaa ku ogaysiiyay waqtigeeda.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:44
                    إِلَىٰ رَبِّكَ مُنتَهَىٰهَآ
                
                
                
                
                
                    79:44
                    Eebe umbuu ku dhammaan ogaansheheedu.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:45
                    إِنَّمَآ أَنتَ مُنذِرُ مَن يَخْشَىٰهَا
                
                
                
                
                
                    79:45
                    Adugu waxaad tahay uun u digaha Ruuxii ka yaabi.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    79:46
                    كَأَنَّهُمْ يَوْمَ يَرَوْنَهَا لَمْ يَلْبَثُوٓا۟ إِلَّا عَشِيَّةً أَوْ ضُحَىٰهَا
                
                
                
                
                
                    79:46
                    Waxay la mid noqon Malintay arkaan (Qiyaamada) yagon nagaanin Galab iyo Barqin mooyeen (Addunka).  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)