Selected
                        Original Text
                        
                    
                
                    
                        Mahmud Muhammad Abduh
                        
                        
                        
                    
                
                Abdullah Yusuf Ali
Abdul Majid Daryabadi
Abul Ala Maududi
Ahmed Ali
Ahmed Raza Khan
A. J. Arberry
Ali Quli Qarai
Hasan al-Fatih Qaribullah and Ahmad Darwish
Mohammad Habib Shakir
Mohammed Marmaduke William Pickthall
Muhammad Sarwar
Muhammad Taqi-ud-Din al-Hilali and Muhammad Muhsin Khan
Safi-ur-Rahman al-Mubarakpuri
Saheeh International
Talal Itani
Transliteration
Wahiduddin Khan
                    بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
                
                
                    In the name of Allah, Most Gracious, Most Merciful.
                
            
                    85:1
                    وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلْبُرُوجِ
                
                
                
                
                
                    85:1
                    Eebe wuxuu ku dhaartay Samada Xiddigaha leh (iyo Jidadkooda).  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    85:2
                    وَٱلْيَوْمِ ٱلْمَوْعُودِ
                
                
                
                
                
                    85:2
                    Iyo Maalinta laysu yaboohay (qiyaamada).  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    85:3
                    وَشَاهِدٍ وَمَشْهُودٍ
                
                
                
                
                
                    85:3
                    Iyo Dadka joogsan Maalintaas iyo waxayaalaha iman Maalintaas.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    85:4
                    قُتِلَ أَصْحَـٰبُ ٱلْأُخْدُودِ
                
                
                
                
                
                    85:4
                    Ee Lacnadi ha ku dhacdo kuwii Godka lahaa (Mu'miniinta lagu cadibo).  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    85:5
                    ٱلنَّارِ ذَاتِ ٱلْوَقُودِ
                
                
                
                
                
                    85:5
                    Ee ahaa Naar olal (iyo shidaal) leh.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    85:6
                    إِذْ هُمْ عَلَيْهَا قُعُودٌ
                
                
                
                
                
                    85:6
                    Gaaladiina ay korfadiyeen Godka.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    85:7
                    وَهُمْ عَلَىٰ مَا يَفْعَلُونَ بِٱلْمُؤْمِنِينَ شُهُودٌ
                
                
                
                
                
                    85:7
                    iyagoo daawan waxa lagu fali Mu'miniinta «oo Jirrabaad ah».  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    85:8
                    وَمَا نَقَمُوا۟ مِنْهُمْ إِلَّآ أَن يُؤْمِنُوا۟ بِٱللَّهِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَمِيدِ
                
                
                
                
                
                    85:8
                    Waxay ku neceen Dadkaasna ma jiro oon ahayn inay rumeeyeen Eebaha adkaada ee la mahadiyo.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    85:9
                    ٱلَّذِى لَهُۥ مُلْكُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ شَهِيدٌ
                
                
                
                
                
                    85:9
                    Ee leh Samada iyo Dhulka xukunkooda, Eebana wax walba wuu u jeedaa.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    85:10
                    إِنَّ ٱلَّذِينَ فَتَنُوا۟ ٱلْمُؤْمِنِينَ وَٱلْمُؤْمِنَـٰتِ ثُمَّ لَمْ يَتُوبُوا۟ فَلَهُمْ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَلَهُمْ عَذَابُ ٱلْحَرِيقِ
                
                
                
                
                
                    85:10
                    Kuwa Mu'miniinta Rag iyo Haweenba jirraba haddana aan tawbadkeenin waxay mudan Caddibaadda Jahannamo iyo caddibaad gubi.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    85:11
                    إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ لَهُمْ جَنَّـٰتٌ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ ۚ ذَٰلِكَ ٱلْفَوْزُ ٱلْكَبِيرُ
                
                
                
                
                
                    85:11
                    Kuwa xaqa rumeeyey Camalfiicana falay waxay mudan Jannooyin ay dureeri dhexdeeda Wabiyaal, taasina waa liibaan wayn.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    85:12
                    إِنَّ بَطْشَ رَبِّكَ لَشَدِيدٌ
                
                
                
                
                
                    85:12
                    Qabashada Eebana (Ciqaabtiisu) way darantahay.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    85:13
                    إِنَّهُۥ هُوَ يُبْدِئُ وَيُعِيدُ
                
                
                
                
                
                    85:13
                    Eebe isagaa khalqiga ahaysiiyay soona celin.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    85:14
                    وَهُوَ ٱلْغَفُورُ ٱلْوَدُودُ
                
                
                
                
                
                    85:14
                    Waana dambidhaaf badane jecel (kuwa addeeca).  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    85:15
                    ذُو ٱلْعَرْشِ ٱلْمَجِيدُ
                
                
                
                
                
                    85:15
                    Carshiga sharafta lahna isagaa iska leh.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    85:16
                    فَعَّالٌ لِّمَا يُرِيدُ
                
                
                
                
                
                    85:16
                    Wuuna falaa wuxuu doono.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    85:17
                    هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلْجُنُودِ
                
                
                
                
                
                    85:17
                    Ma ku soo gaadhay warkii Junuuddii (Gaaladii).  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    85:18
                    فِرْعَوْنَ وَثَمُودَ
                
                
                
                
                
                    85:18
                    Fircoon iyo Thamuud.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    85:19
                    بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ فِى تَكْذِيبٍ
                
                
                
                
                
                    85:19
                    Hase yeeshee kuwii Gaaloobay waxay ku suganyihiin beenin (xaqa).  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    85:20
                    وَٱللَّهُ مِن وَرَآئِهِم مُّحِيطٌۢ
                
                
                
                
                
                    85:20
                    Eebana waa koobay (kamana baxsadaan).  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    85:21
                    بَلْ هُوَ قُرْءَانٌ مَّجِيدٌ
                
                
                
                
                
                    85:21
                    Waase Quraan sharaf leh.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    85:22
                    فِى لَوْحٍ مَّحْفُوظٍۭ
                
                
                
                
                
                    85:22
                    Oo ku Qoran Ioox la dhawray (looxulmaxfuudka).  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)