Selected
                        Original Text
                        
                    
                
                    
                        Mahmud Muhammad Abduh
                        
                        
                        
                    
                
                Abdullah Yusuf Ali
Abdul Majid Daryabadi
Abul Ala Maududi
Ahmed Ali
Ahmed Raza Khan
A. J. Arberry
Ali Quli Qarai
Hasan al-Fatih Qaribullah and Ahmad Darwish
Mohammad Habib Shakir
Mohammed Marmaduke William Pickthall
Muhammad Sarwar
Muhammad Taqi-ud-Din al-Hilali and Muhammad Muhsin Khan
Safi-ur-Rahman al-Mubarakpuri
Saheeh International
Talal Itani
Transliteration
Wahiduddin Khan
                    بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
                
                
                    In the name of Allah, Most Gracious, Most Merciful.
                
            
                    72:1
                    قُلْ أُوحِىَ إِلَىَّ أَنَّهُ ٱسْتَمَعَ نَفَرٌ مِّنَ ٱلْجِنِّ فَقَالُوٓا۟ إِنَّا سَمِعْنَا قُرْءَانًا عَجَبًا
                
                
                
                
                
                    72:1
                    Waxaad Dhahdaa (Nabiyow) waxaa lay waxyooday inay Dhagaysteen Koox Jinni ah (Quraanka) Dheheen waxaan maqallay quraan layaab leh.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    72:2
                    يَهْدِىٓ إِلَى ٱلرُّشْدِ فَـَٔامَنَّا بِهِۦ ۖ وَلَن نُّشْرِكَ بِرَبِّنَآ أَحَدًا
                
                
                
                
                
                    72:2
                    Oo ku hanuunin xaqa waana Rumaynay waxaan Eebe cibaada la wadaajinhaynana ma jiro.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    72:3
                    وَأَنَّهُۥ تَعَـٰلَىٰ جَدُّ رَبِّنَا مَا ٱتَّخَذَ صَـٰحِبَةً وَلَا وَلَدًا
                
                
                
                
                
                    72:3
                    Waxaana Sarreeya sharafta Eebeheen, mana yeelan haweenay iyo ilmo midna.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    72:4
                    وَأَنَّهُۥ كَانَ يَقُولُ سَفِيهُنَا عَلَى ٱللَّهِ شَطَطًا
                
                
                
                
                
                    72:4
                    Waxay Ahaayeen kuwannagii xumaa inay ku dhaheen hadallo xadgudug ah Eebe.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    72:5
                    وَأَنَّا ظَنَنَّآ أَن لَّن تَقُولَ ٱلْإِنسُ وَٱلْجِنُّ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا
                
                
                
                
                
                    72:5
                    Waxaana u Malaynaynay inuusan insi iyo Jini Midna Eebe ku beensheegaynin.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    72:6
                    وَأَنَّهُۥ كَانَ رِجَالٌ مِّنَ ٱلْإِنسِ يَعُوذُونَ بِرِجَالٍ مِّنَ ٱلْجِنِّ فَزَادُوهُمْ رَهَقًا
                
                
                
                
                
                    72:6
                    Waxayna ahaayeen kuwo insiga ka mid ah inay Magangalaan kuwo Jinniga ka mida markaasna u kordhiyeen kibir (iyo xad Gudub).  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    72:7
                    وَأَنَّهُمْ ظَنُّوا۟ كَمَا ظَنَنتُمْ أَن لَّن يَبْعَثَ ٱللَّهُ أَحَدًا
                
                
                
                
                
                    72:7
                    Waxayna jinnigu u maleeyeen sidaad u malayseen inaan Eebe soo Bixinhaynin Ruuxna.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    72:8
                    وَأَنَّا لَمَسْنَا ٱلسَّمَآءَ فَوَجَدْنَـٰهَا مُلِئَتْ حَرَسًا شَدِيدًا وَشُهُبًا
                
                
                
                
                
                    72:8
                    Waxaan Doonnay samada waxaana hellay iyadoo ka buuxda Ilaalin daran iyo danabyo.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    72:9
                    وَأَنَّا كُنَّا نَقْعُدُ مِنْهَا مَقَـٰعِدَ لِلسَّمْعِ ۖ فَمَن يَسْتَمِعِ ٱلْـَٔانَ يَجِدْ لَهُۥ شِهَابًا رَّصَدًا
                
                
                
                
                
                    72:9
                    Waxaana ahayn kuwo Fadhiista xageeda meelo si aan wax uga dhagaysanno Ruuxiise Dhagaysta hadda wuxuu heli danabyo darban «la kulmi».  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    72:10
                    وَأَنَّا لَا نَدْرِىٓ أَشَرٌّ أُرِيدَ بِمَن فِى ٱلْأَرْضِ أَمْ أَرَادَ بِهِمْ رَبُّهُمْ رَشَدًا
                
                
                
                
                
                    72:10
                    Mana ogin inay tahay shar lala Doonay dadka Dhulka ku nool ama Eebohood la Doonay hanuun (iyo khayr).  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    72:11
                    وَأَنَّا مِنَّا ٱلصَّـٰلِحُونَ وَمِنَّا دُونَ ذَٰلِكَ ۖ كُنَّا طَرَآئِقَ قِدَدًا
                
                
                
                
                
                    72:11
                    Waxaa naga mid ah kuwo suuban iyo kuwo kaleba, waxaan nahay kooxa kala duwan.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    72:12
                    وَأَنَّا ظَنَنَّآ أَن لَّن نُّعْجِزَ ٱللَّهَ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَن نُّعْجِزَهُۥ هَرَبًا
                
                
                
                
                
                    72:12
                    Waxaanna Ognahay Inaannaan Eebe ku daalinkarin Dhulka Dhexdiisa, kuna Daalinhaynin Cararid.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    72:13
                    وَأَنَّا لَمَّا سَمِعْنَا ٱلْهُدَىٰٓ ءَامَنَّا بِهِۦ ۖ فَمَن يُؤْمِنۢ بِرَبِّهِۦ فَلَا يَخَافُ بَخْسًا وَلَا رَهَقًا
                
                
                
                
                
                    72:13
                    Markaan Maqallay hanuunkana waan Rumaynay, Ruuxii rumeeya Eebihiisana kama yaabo Nusqaan iyo Dulmi Midna.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    72:14
                    وَأَنَّا مِنَّا ٱلْمُسْلِمُونَ وَمِنَّا ٱلْقَـٰسِطُونَ ۖ فَمَنْ أَسْلَمَ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ تَحَرَّوْا۟ رَشَدًا
                
                
                
                
                
                    72:14
                    Waxaa naga mida Muslimiin iyo Kuwo xadgudbay, Ruusiise islaama waa mid ku dadaalay hanuun.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    72:15
                    وَأَمَّا ٱلْقَـٰسِطُونَ فَكَانُوا۟ لِجَهَنَّمَ حَطَبًا
                
                
                
                
                
                    72:15
                    Kuwiise xadgudbay waxay ahaan Qoryaha Jahannamo.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    72:16
                    وَأَلَّوِ ٱسْتَقَـٰمُوا۟ عَلَى ٱلطَّرِيقَةِ لَأَسْقَيْنَـٰهُم مَّآءً غَدَقًا
                
                
                
                
                
                    72:16
                    Hadday ku toosaan Dadku jidka (wanaagsan) waxaaan ka waraabinlahayn biyo badan.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    72:17
                    لِّنَفْتِنَهُمْ فِيهِ ۚ وَمَن يُعْرِضْ عَن ذِكْرِ رَبِّهِۦ يَسْلُكْهُ عَذَابًا صَعَدًا
                
                
                
                
                
                    72:17
                    Imtixaan Dartiis, Ruuxii ka Jeedsada Xusidda Eebihiis wuxuu galin cadaab daran.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    72:18
                    وَأَنَّ ٱلْمَسَـٰجِدَ لِلَّهِ فَلَا تَدْعُوا۟ مَعَ ٱللَّهِ أَحَدًا
                
                
                
                
                
                    72:18
                    Masaajidda Eebaa iska leh ee ha kula baryina «caabudina» Eeb Cid kale.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    72:19
                    وَأَنَّهُۥ لَمَّا قَامَ عَبْدُ ٱللَّهِ يَدْعُوهُ كَادُوا۟ يَكُونُونَ عَلَيْهِ لِبَدًا
                
                
                
                
                
                    72:19
                    Markuu istaagay Addoonkii Eebe (Nabigu) isagoo Caabudi Eebe waxay Jinnigu u dhawaadeen inay korkiisa is dulfuulan.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    72:20
                    قُلْ إِنَّمَآ أَدْعُوا۟ رَبِّى وَلَآ أُشْرِكُ بِهِۦٓ أَحَدًا
                
                
                
                
                
                    72:20
                    Waxaad Dhahdaa Nabiyow waxaan uun Caabudi Eebahay lana wadaajinmahayo cidna.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    72:21
                    قُلْ إِنِّى لَآ أَمْلِكُ لَكُمْ ضَرًّا وَلَا رَشَدًا
                
                
                
                
                
                    72:21
                    Waxaad dhahdaa idiin ma hanto shar iyo khayr midna.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    72:22
                    قُلْ إِنِّى لَن يُجِيرَنِى مِنَ ٱللَّهِ أَحَدٌ وَلَنْ أَجِدَ مِن دُونِهِۦ مُلْتَحَدًا
                
                
                
                
                
                    72:22
                    Waxaad Dhahdaa cidna igama korinayso Eebe, mana helayo isaga ka sakow Magangalyo.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    72:23
                    إِلَّا بَلَـٰغًا مِّنَ ٱللَّهِ وَرِسَـٰلَـٰتِهِۦ ۚ وَمَن يَعْصِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَإِنَّ لَهُۥ نَارَ جَهَنَّمَ خَـٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدًا
                
                
                
                
                
                    72:23
                    Hase yeeshee waxaan hantaa Gaadhsiinta xaqa Eebe iyo Farriimihiisa, Ruuxiise Eebe Caasiya iyo Rasuulkiisa waxaa u sugnaaday Naarta Jahannama isagoo ku waari Dhexdeeda.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    72:24
                    حَتَّىٰٓ إِذَا رَأَوْا۟ مَا يُوعَدُونَ فَسَيَعْلَمُونَ مَنْ أَضْعَفُ نَاصِرًا وَأَقَلُّ عَدَدًا
                
                
                
                
                
                    72:24
                    Markay Gaaladu Arkaan waxa loo yaboohi waxay ogaan cidda Gargaarihiisu tabaryaryahay tirana yaryahay.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    72:25
                    قُلْ إِنْ أَدْرِىٓ أَقَرِيبٌ مَّا تُوعَدُونَ أَمْ يَجْعَلُ لَهُۥ رَبِّىٓ أَمَدًا
                
                
                
                
                
                    72:25
                    Waxaad Dhahdaa ma ogi inuu Dhawyahay waxa la idiinku Gooddin ama Eebahay waqti u yeeli.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    72:26
                    عَـٰلِمُ ٱلْغَيْبِ فَلَا يُظْهِرُ عَلَىٰ غَيْبِهِۦٓ أَحَدًا
                
                
                
                
                
                    72:26
                    Eebaa og waxa Maqan, umana muujiyo waxaa maqan Ruuxna.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    72:27
                    إِلَّا مَنِ ٱرْتَضَىٰ مِن رَّسُولٍ فَإِنَّهُۥ يَسْلُكُ مِنۢ بَيْنِ يَدَيْهِ وَمِنْ خَلْفِهِۦ رَصَدًا
                
                
                
                
                
                    72:27
                    Marka laga Reebo ciduu ka raalli Noqday oo Rasuulah, Isagoo hor iyo gadaalba ka ilaalin.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    72:28
                    لِّيَعْلَمَ أَن قَدْ أَبْلَغُوا۟ رِسَـٰلَـٰتِ رَبِّهِمْ وَأَحَاطَ بِمَا لَدَيْهِمْ وَأَحْصَىٰ كُلَّ شَىْءٍ عَدَدًۢا
                
                
                
                
                
                    72:28
                    Si Eebe u muujiyo inay Gaadhsiiyeen Farriimihii Eebohood, Eebana waa koobay waxa Agtooda ah wayna u tirakoobanyihiin wax walba.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)