Selected
                        Original Text
                        
                    
                
                    
                        Mahmud Muhammad Abduh
                        
                        
                        
                    
                
                Abdullah Yusuf Ali
Abdul Majid Daryabadi
Abul Ala Maududi
Ahmed Ali
Ahmed Raza Khan
A. J. Arberry
Ali Quli Qarai
Hasan al-Fatih Qaribullah and Ahmad Darwish
Mohammad Habib Shakir
Mohammed Marmaduke William Pickthall
Muhammad Sarwar
Muhammad Taqi-ud-Din al-Hilali and Muhammad Muhsin Khan
Safi-ur-Rahman al-Mubarakpuri
Saheeh International
Talal Itani
Transliteration
Wahiduddin Khan
                    بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
                
                
                    In the name of Allah, Most Gracious, Most Merciful.
                
            
                    71:1
                    إِنَّآ أَرْسَلْنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوْمِهِۦٓ أَنْ أَنذِرْ قَوْمَكَ مِن قَبْلِ أَن يَأْتِيَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ
                
                
                
                
                
                    71:1
                    Annagaa Nabi Nuux u dirray Qoomkiisii si uu ugu digo Caddibaadda horteed.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    71:2
                    قَالَ يَـٰقَوْمِ إِنِّى لَكُمْ نَذِيرٌ مُّبِينٌ
                
                
                
                
                
                    71:2
                    Wuxuuna ku yidhi Qoomkayow waxaan idiin ahay dige Cad «oo muuqda»  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    71:3
                    أَنِ ٱعْبُدُوا۟ ٱللَّهَ وَٱتَّقُوهُ وَأَطِيعُونِ
                
                
                
                
                
                    71:3
                    ee Eebe Caabuda kana dhawrsada'anigana i adeeca.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    71:4
                    يَغْفِرْ لَكُم مِّن ذُنُوبِكُمْ وَيُؤَخِّرْكُمْ إِلَىٰٓ أَجَلٍ مُّسَمًّى ۚ إِنَّ أَجَلَ ٱللَّهِ إِذَا جَآءَ لَا يُؤَخَّرُ ۖ لَوْ كُنتُمْ تَعْلَمُونَ
                
                
                
                
                
                    71:4
                    Wuu idiin dambi dhaafi wuuna idin dib dhigi ilaa muddo Magacaaban, marka Eebe la yimaaddo ajasha wax dib u dhigi ma jiro haddaad wax ogtihiin.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    71:5
                    قَالَ رَبِّ إِنِّى دَعَوْتُ قَوْمِى لَيْلًا وَنَهَارًا
                
                
                
                
                
                    71:5
                    Nabi Nuux wuxuu yiri Eebbow waan u yeeray Qoomkaygii Habeen iyo dharaar.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    71:6
                    فَلَمْ يَزِدْهُمْ دُعَآءِىٓ إِلَّا فِرَارًا
                
                
                
                
                
                    71:6
                    Yeedhiddayduna uma siyaadinin waxaan caraar ahayn.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    71:7
                    وَإِنِّى كُلَّمَا دَعَوْتُهُمْ لِتَغْفِرَ لَهُمْ جَعَلُوٓا۟ أَصَـٰبِعَهُمْ فِىٓ ءَاذَانِهِمْ وَٱسْتَغْشَوْا۟ ثِيَابَهُمْ وَأَصَرُّوا۟ وَٱسْتَكْبَرُوا۟ ٱسْتِكْبَارًا
                
                
                
                
                
                    71:7
                    Markasta oo aan u yeedhana si aad ugu dambi dhaafto waxay farahooda yeelaan dhagahooda, maryahoodana way isku dadaan, wayna ku Madax adaygaan xumaanta wayna is weyneeyaan.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    71:8
                    ثُمَّ إِنِّى دَعَوْتُهُمْ جِهَارًا
                
                
                
                
                
                    71:8
                    si kor ah yaan ugu yeedhay, «dadka dhexdiisa»  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    71:9
                    ثُمَّ إِنِّىٓ أَعْلَنتُ لَهُمْ وَأَسْرَرْتُ لَهُمْ إِسْرَارًا
                
                
                
                
                
                    71:9
                    Waana u qaylyey, hoosna waan ugu yeeray.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    71:10
                    فَقُلْتُ ٱسْتَغْفِرُوا۟ رَبَّكُمْ إِنَّهُۥ كَانَ غَفَّارًا
                
                
                
                
                
                    71:10
                    Waxaana ku idhi Eebihiin dambi dhaaf weydiista waa dambi dhaaf badance.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    71:11
                    يُرْسِلِ ٱلسَّمَآءَ عَلَيْكُم مِّدْرَارًا
                
                
                
                
                
                    71:11
                    Cirkana Roob badan ha idinka keenee.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    71:12
                    وَيُمْدِدْكُم بِأَمْوَٰلٍ وَبَنِينَ وَيَجْعَل لَّكُمْ جَنَّـٰتٍ وَيَجْعَل لَّكُمْ أَنْهَـٰرًا
                
                
                
                
                
                    71:12
                    Hana idiin kordhiyo Xoolo iyo Wiilal iyo Beero hana idiin yeelo Wabi yaal.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    71:13
                    مَّا لَكُمْ لَا تَرْجُونَ لِلَّهِ وَقَارًا
                
                
                
                
                
                    71:13
                    Maxaad leedihiin ood weynida Eebe uga cabsoon weydeen.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    71:14
                    وَقَدْ خَلَقَكُمْ أَطْوَارًا
                
                
                
                
                
                    71:14
                    Isagoo idin abuuray idinkoo soo maray Xaalado kala duwan.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    71:15
                    أَلَمْ تَرَوْا۟ كَيْفَ خَلَقَ ٱللَّهُ سَبْعَ سَمَـٰوَٰتٍ طِبَاقًا
                
                
                
                
                
                    71:15
                    Miyaydaan arkaynin sida Eebe u Abuuray toddoba Samo oo isdulsaaran.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    71:16
                    وَجَعَلَ ٱلْقَمَرَ فِيهِنَّ نُورًا وَجَعَلَ ٱلشَّمْسَ سِرَاجًا
                
                
                
                
                
                    71:16
                    Dayaxana uga yeelay Dhexdooda Nuur, qorraxdana ka yeelay siraad.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    71:17
                    وَٱللَّهُ أَنۢبَتَكُم مِّنَ ٱلْأَرْضِ نَبَاتًا
                
                
                
                
                
                    71:17
                    Eebe waa Kan idinka soo Bixiyay Dhulka.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    71:18
                    ثُمَّ يُعِيدُكُمْ فِيهَا وَيُخْرِجُكُمْ إِخْرَاجًا
                
                
                
                
                
                    71:18
                    Haddana idinku Celin doona Dhexdiisa idinkana soo bixindoona.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    71:19
                    وَٱللَّهُ جَعَلَ لَكُمُ ٱلْأَرْضَ بِسَاطًا
                
                
                
                
                
                    71:19
                    Eebe waa kan Idiinka yeelay Dhulka gogol.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    71:20
                    لِّتَسْلُكُوا۟ مِنْهَا سُبُلًا فِجَاجًا
                
                
                
                
                
                    71:20
                    Si aad ugu socotaan Dhexdiisa waddooyin waawayn.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    71:21
                    قَالَ نُوحٌ رَّبِّ إِنَّهُمْ عَصَوْنِى وَٱتَّبَعُوا۟ مَن لَّمْ يَزِدْهُ مَالُهُۥ وَوَلَدُهُۥٓ إِلَّا خَسَارًا
                
                
                
                
                
                    71:21
                    (Nabi) Nuux wuxuu yidhi Eebow way I caasiyeen waxayna Raaceen kuwo aan xoolohoodu iyo Carrurtoodu waxaan khasaara ahayn u kordhinaynin.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    71:22
                    وَمَكَرُوا۟ مَكْرًا كُبَّارًا
                
                
                
                
                
                    71:22
                    Dhagar waynna way Dhakreen.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    71:23
                    وَقَالُوا۟ لَا تَذَرُنَّ ءَالِهَتَكُمْ وَلَا تَذَرُنَّ وَدًّا وَلَا سُوَاعًا وَلَا يَغُوثَ وَيَعُوقَ وَنَسْرًا
                
                
                
                
                
                    71:23
                    Waxay isu Dheheen ha ka tagina Ilaahyaalkiinna, hana ka Tagina wuddi iyo suwaax iyo yaguuth, iyo Yacuuq iyo Nasri.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    71:24
                    وَقَدْ أَضَلُّوا۟ كَثِيرًا ۖ وَلَا تَزِدِ ٱلظَّـٰلِمِينَ إِلَّا ضَلَـٰلًا
                
                
                
                
                
                    71:24
                    Waxayna Dhumiyeen dad Badan ee Eebow ha kordhinnin Daalimiinta waxaan baadi ahayn.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    71:25
                    مِّمَّا خَطِيٓـَٔـٰتِهِمْ أُغْرِقُوا۟ فَأُدْخِلُوا۟ نَارًا فَلَمْ يَجِدُوا۟ لَهُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ أَنصَارًا
                
                
                
                
                
                    71:25
                    Gafkoodi Dartiis yaa loo Maansheeyay Naarna Loo Galiyey, mana helayaan Eebe ka soke gargaare,  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    71:26
                    وَقَالَ نُوحٌ رَّبِّ لَا تَذَرْ عَلَى ٱلْأَرْضِ مِنَ ٱلْكَـٰفِرِينَ دَيَّارًا
                
                
                
                
                
                    71:26
                    Nuux wuxuu yidhi Eebow ha kaga tagin Dhulka korkiisa Gaalada Ruxna.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    71:27
                    إِنَّكَ إِن تَذَرْهُمْ يُضِلُّوا۟ عِبَادَكَ وَلَا يَلِدُوٓا۟ إِلَّا فَاجِرًا كَفَّارًا
                
                
                
                
                
                    71:27
                    Maxaayeelay Hadaad kaga tagto waxay Dhumin Addomahaaga, mana dhalayaan waxaan gaal xun ahayn.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
                
                
                
                
                
                    71:28
                    رَّبِّ ٱغْفِرْ لِى وَلِوَٰلِدَىَّ وَلِمَن دَخَلَ بَيْتِىَ مُؤْمِنًا وَلِلْمُؤْمِنِينَ وَٱلْمُؤْمِنَـٰتِ وَلَا تَزِدِ ٱلظَّـٰلِمِينَ إِلَّا تَبَارًۢا
                
                
                
                
                
                    71:28
                    Eeboow u dambi Dhaaf Aniga iyo waalidiintay iyo ruuxii gala gurigeyga isagoo Mu'min ah Raf iyo haweenba, hana u kordhinnin Daalimiinta waxaan halaag ahayn.  - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)