Selected
Original Text
Mahmud Muhammad Abduh
Abdullah Yusuf Ali
Abdul Majid Daryabadi
Abul Ala Maududi
Ahmed Ali
Ahmed Raza Khan
A. J. Arberry
Ali Quli Qarai
Hasan al-Fatih Qaribullah and Ahmad Darwish
Mohammad Habib Shakir
Mohammed Marmaduke William Pickthall
Muhammad Sarwar
Muhammad Taqi-ud-Din al-Hilali and Muhammad Muhsin Khan
Safi-ur-Rahman al-Mubarakpuri
Saheeh International
Talal Itani
Transliteration
Wahiduddin Khan
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
In the name of Allah, Most Gracious, Most Merciful.
34:1
ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ٱلَّذِى لَهُۥ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ وَلَهُ ٱلْحَمْدُ فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ ۚ وَهُوَ ٱلْحَكِيمُ ٱلْخَبِيرُ
34:1
mahad Eebaa iska leh ay awooddiisa kujiraan waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, mahadna isagaa muta aakharo iyo aduunba, waana falsame xeel dheer (waxwalba oge). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:2
يَعْلَمُ مَا يَلِجُ فِى ٱلْأَرْضِ وَمَا يَخْرُجُ مِنْهَا وَمَا يَنزِلُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ وَمَا يَعْرُجُ فِيهَا ۚ وَهُوَ ٱلرَّحِيمُ ٱلْغَفُورُ
34:2
wuxuuna ogyahay waxa dhulka gali iyo waxa ka soobixi iyo waxa ka soodagi samada iyo waxa u kori, waana naxariiste dambidhaafa ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:3
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَا تَأْتِينَا ٱلسَّاعَةُ ۖ قُلْ بَلَىٰ وَرَبِّى لَتَأْتِيَنَّكُمْ عَـٰلِمِ ٱلْغَيْبِ ۖ لَا يَعْزُبُ عَنْهُ مِثْقَالُ ذَرَّةٍ فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَلَا فِى ٱلْأَرْضِ وَلَآ أَصْغَرُ مِن ذَٰلِكَ وَلَآ أَكْبَرُ إِلَّا فِى كِتَـٰبٍ مُّبِينٍ
34:3
kuwii gaaloobay waxay dhaheen nooma imaaneyso saacadda (Qiyaame), waxaad dhahdaa saas ma aha ee Eebahay baan ku dhartey way idiin imaan, Eebahay waa wax maqan oge, wax darro la egna kagama qarsoona samooyinka iyo dhulka dhexdooda iyo wax waxaas ka yar iyo wax la weyn midna, wax walbana kitaab cad bey ku suganyihiin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:4
لِّيَجْزِىَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ لَهُم مَّغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ
34:4
Si Eebe u abaal mariyo kuwa rumeeyey (xaqa) oo camal fiican Falay kuwaasna waxay mudan dambi dhaaf iyo risqi wanaagsan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:5
وَٱلَّذِينَ سَعَوْ فِىٓ ءَايَـٰتِنَا مُعَـٰجِزِينَ أُو۟لَـٰٓئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ مِّن رِّجْزٍ أَلِيمٌ
34:5
Kuwa u socda iney aayaadkanaga (kaleexdaan) iyagoo u maleyn iney daalin (Eebe) kuwaasi waxay mudan cadaab daran oo xun. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:6
وَيَرَى ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْعِلْمَ ٱلَّذِىٓ أُنزِلَ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ هُوَ ٱلْحَقَّ وَيَهْدِىٓ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَمِيدِ
34:6
Waxey arki kuwii cilmiga la siiyeyna (mu'miniinta) in waxa laga soo dajiyey xagga Eebe xaq yahey kuna hanuunin jidka Eebaha adkaada ee la mahdiyo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:7
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ هَلْ نَدُلُّكُمْ عَلَىٰ رَجُلٍ يُنَبِّئُكُمْ إِذَا مُزِّقْتُمْ كُلَّ مُمَزَّقٍ إِنَّكُمْ لَفِى خَلْقٍ جَدِيدٍ
34:7
Waxey dhaheen kuwii gaaloobey maydin tusinaa nin idiin ka warrami in marka laydinkala geeyo (jidkiina) kala gayn dhamaanteed in abuur cusub leydin abuuri. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:8
أَفْتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا أَم بِهِۦ جِنَّةٌۢ ۗ بَلِ ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِٱلْـَٔاخِرَةِ فِى ٱلْعَذَابِ وَٱلضَّلَـٰلِ ٱلْبَعِيدِ
34:8
Ma Eebuu ku been abuuran mase wuu waalanyahay, saas ma aha ee kuwaan rumeynin aakhiro waxay ku sugnaan cadaab iyo baadi fog. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:9
أَفَلَمْ يَرَوْا۟ إِلَىٰ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلْأَرْضِ ۚ إِن نَّشَأْ نَخْسِفْ بِهِمُ ٱلْأَرْضَ أَوْ نُسْقِطْ عَلَيْهِمْ كِسَفًا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً لِّكُلِّ عَبْدٍ مُّنِيبٍ
34:9
Miyeyna arkaynin waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah oo samo iyo dhul ah hadaan doono waxaanu la goyn dhulka, mise waxaan ku soo rideynaa goosimo samada kamid ah arintaasna aayadbaa ugu sugan adoonkastoo towbadkeen badan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:10
۞ وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا دَاوُۥدَ مِنَّا فَضْلًا ۖ يَـٰجِبَالُ أَوِّبِى مَعَهُۥ وَٱلطَّيْرَ ۖ وَأَلَنَّا لَهُ ٱلْحَدِيدَ
34:10
Dhab ahaanbaan u siinay Nabi Daawuud fadli (dheeraad) xaganaga ah, waxaana nidhi buurahoow ka celceliya tasbiixda, shimbirahoowna (la celceliya tasbiixda,) waxaana u jilcincy birta. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:11
أَنِ ٱعْمَلْ سَـٰبِغَـٰتٍ وَقَدِّرْ فِى ٱلسَّرْدِ ۖ وَٱعْمَلُوا۟ صَـٰلِحًا ۖ إِنِّى بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ
34:11
Waxaana ku nidhi ka samce dirieyada (dharka dagaalka) sugna tixiddeeda wanaagna fala, waxaad faleeysaana waan arkaa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:12
وَلِسُلَيْمَـٰنَ ٱلرِّيحَ غُدُوُّهَا شَهْرٌ وَرَوَاحُهَا شَهْرٌ ۖ وَأَسَلْنَا لَهُۥ عَيْنَ ٱلْقِطْرِ ۖ وَمِنَ ٱلْجِنِّ مَن يَعْمَلُ بَيْنَ يَدَيْهِ بِإِذْنِ رَبِّهِۦ ۖ وَمَن يَزِغْ مِنْهُمْ عَنْ أَمْرِنَا نُذِقْهُ مِنْ عَذَابِ ٱلسَّعِيرِ
34:12
Nabi suleymaanna waxaan u Sakhirray dabeysha, kallahaadeedu waabil, carraabaheeduna waa bil, waxaan u dureeriney il Nuxaad ah (maar) Jinigana waxaa ka mid ah kuwo ku hor shaqeeya idanka Eebe, ruuxii ka mid ah oo ka iilata amarkanaga waxaan dhadhansiineeynaa cadaabka saciiro. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:13
يَعْمَلُونَ لَهُۥ مَا يَشَآءُ مِن مَّحَـٰرِيبَ وَتَمَـٰثِيلَ وَجِفَانٍ كَٱلْجَوَابِ وَقُدُورٍ رَّاسِيَـٰتٍ ۚ ٱعْمَلُوٓا۟ ءَالَ دَاوُۥدَ شُكْرًا ۚ وَقَلِيلٌ مِّنْ عِبَادِىَ ٱلشَّكُورُ
34:13
Waxay u sameyn suleymaan wuxuu doono oo mixraabyo (Fooqaq) iyo suurooyin, iyo xeedhooyin dar oo kale ah, iyo dharyo sugan, waxaana ku nidhi fala ehelka Daawuudow mahadnaq, waxaana yar adoomadayda shugriga badan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:14
فَلَمَّا قَضَيْنَا عَلَيْهِ ٱلْمَوْتَ مَا دَلَّهُمْ عَلَىٰ مَوْتِهِۦٓ إِلَّا دَآبَّةُ ٱلْأَرْضِ تَأْكُلُ مِنسَأَتَهُۥ ۖ فَلَمَّا خَرَّ تَبَيَّنَتِ ٱلْجِنُّ أَن لَّوْ كَانُوا۟ يَعْلَمُونَ ٱلْغَيْبَ مَا لَبِثُوا۟ فِى ٱلْعَذَابِ ٱلْمُهِينِ
34:14
Markaan geerida ku xukunay Nabi suleymaan wax tusiyey geeridiisa ma jiro oon ahayn aboorka cunay ushiisa, markuu dhacay yaa waxaa u cadaaday jinigii hadey waxa maqan ogyihiin ineyna ku nagaadeen cadaab wax duleeya (shaqadiisa darteed). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:15
لَقَدْ كَانَ لِسَبَإٍ فِى مَسْكَنِهِمْ ءَايَةٌ ۖ جَنَّتَانِ عَن يَمِينٍ وَشِمَالٍ ۖ كُلُوا۟ مِن رِّزْقِ رَبِّكُمْ وَٱشْكُرُوا۟ لَهُۥ ۚ بَلْدَةٌ طَيِّبَةٌ وَرَبٌّ غَفُورٌ
34:15
Guryihii reer sabaad waxaa ku sugnayd calaamo, Beeraana ka xigay xaga midig iyo xagga bidixba, waxaana Eebe ku yidhi cuna risqiga Eebihiin kuna mahadiya, waa balad wanaagsan iyo Eebe dambi dhaafbadane. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:16
فَأَعْرَضُوا۟ فَأَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ سَيْلَ ٱلْعَرِمِ وَبَدَّلْنَـٰهُم بِجَنَّتَيْهِمْ جَنَّتَيْنِ ذَوَاتَىْ أُكُلٍ خَمْطٍ وَأَثْلٍ وَشَىْءٍ مِّن سِدْرٍ قَلِيلٍ
34:16
Wayse jeedsadeen, waxaana ku diray daad daran, waxaana ku badaley labadoodii beerood beero kale oo geedo khadhaadh iyo qoryo iyo sidri yar ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:17
ذَٰلِكَ جَزَيْنَـٰهُم بِمَا كَفَرُوا۟ ۖ وَهَلْ نُجَـٰزِىٓ إِلَّا ٱلْكَفُورَ
34:17
Sidaasaana ku abaalmarinay gaalnimadoodii darteed, abaalmarin xunna waxaan abaal marinaa kuwa gaalnimada badan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:18
وَجَعَلْنَا بَيْنَهُمْ وَبَيْنَ ٱلْقُرَى ٱلَّتِى بَـٰرَكْنَا فِيهَا قُرًى ظَـٰهِرَةً وَقَدَّرْنَا فِيهَا ٱلسَّيْرَ ۖ سِيرُوا۟ فِيهَا لَيَالِىَ وَأَيَّامًا ءَامِنِينَ
34:18
Waxaana yeeley dhexdooda iyo magaalooyinkii barakeysnaa (Yaman iyo Qudus) magaalooyin muuqdo waxaana qadaray socodkooda, waxaana ku nidhi ku socda dhexdeeda habeen iyo maalinba idinkoo aamin ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:19
فَقَالُوا۟ رَبَّنَا بَـٰعِدْ بَيْنَ أَسْفَارِنَا وَظَلَمُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ فَجَعَلْنَـٰهُمْ أَحَادِيثَ وَمَزَّقْنَـٰهُمْ كُلَّ مُمَزَّقٍ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّكُلِّ صَبَّارٍ شَكُورٍ
34:19
Waxayse dhaheen Eebow noo kala fogee socodka, wayna dulmiyeen naftooda, waxaana ka yeelay wax lagu sheekeysto. waana kala goyney, sidaasna waxaa ugu sugan calaamo ruux kastoo Samirbadanoo Mahadin badan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:20
وَلَقَدْ صَدَّقَ عَلَيْهِمْ إِبْلِيسُ ظَنَّهُۥ فَٱتَّبَعُوهُ إِلَّا فَرِيقًا مِّنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ
34:20
Dhab ahaan waxaa ku rumoobey gaalada korkooda Ibliis Malihiisii, wayna raaceen wax yar oo ka mid ah oo mu'min ah mooyee. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:21
وَمَا كَانَ لَهُۥ عَلَيْهِم مِّن سُلْطَـٰنٍ إِلَّا لِنَعْلَمَ مَن يُؤْمِنُ بِٱلْـَٔاخِرَةِ مِمَّنْ هُوَ مِنْهَا فِى شَكٍّ ۗ وَرَبُّكَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ حَفِيظٌ
34:21
Mu'miniinta awood kuma laha ibliis wax kalana uma aanaan yeelin inay kala muuqato ruuxa rumeeyey Aakhiro iyo kan ka shakisan xaggeeda. Eebahaana wax walba waa ilaaliye. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:22
قُلِ ٱدْعُوا۟ ٱلَّذِينَ زَعَمْتُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ ۖ لَا يَمْلِكُونَ مِثْقَالَ ذَرَّةٍ فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَلَا فِى ٱلْأَرْضِ وَمَا لَهُمْ فِيهِمَا مِن شِرْكٍ وَمَا لَهُۥ مِنْهُم مِّن ظَهِيرٍ
34:22
Waxaad dhahdaa u yeedha kuwaad sheegateen Eebe ka sokow (iney ilaahyihiin) kuma hantaan darro wax la eb samooyinka iyo dhulka midna, wax wadaag ahna «shirkadna» kumalch dhexdooda Eebe wax u kaalmeeyana kuma laha khaliqiga. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:23
وَلَا تَنفَعُ ٱلشَّفَـٰعَةُ عِندَهُۥٓ إِلَّا لِمَنْ أَذِنَ لَهُۥ ۚ حَتَّىٰٓ إِذَا فُزِّعَ عَن قُلُوبِهِمْ قَالُوا۟ مَاذَا قَالَ رَبُّكُمْ ۖ قَالُوا۟ ٱلْحَقَّ ۖ وَهُوَ ٱلْعَلِىُّ ٱلْكَبِيرُ
34:23
Kumana anfacdo shafeeco Eebe agtiisa, ruuxuusan idmin. Markase laga faydo argagaxa quluubtooda waxay dhihi muxuuyidhi Eebihiin, markaasay dhihi kuwa shafeeci wuxuu yidhi xaq waana Eebaha sarreeya. ee weyn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:24
۞ قُلْ مَن يَرْزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۖ قُلِ ٱللَّهُ ۖ وَإِنَّآ أَوْ إِيَّاكُمْ لَعَلَىٰ هُدًى أَوْ فِى ضَلَـٰلٍ مُّبِينٍ
34:24
Waxaad dhahdaa yaa idinka arsaaqa samooyinka iyo dhulka, waxaad dhahdaa Eebe, anaga iyo idinka mid unbaa hanuunsan ama baadicad ku sugan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:25
قُل لَّا تُسْـَٔلُونَ عَمَّآ أَجْرَمْنَا وَلَا نُسْـَٔلُ عَمَّا تَعْمَلُونَ
34:25
Waxaad dhahdaa laydin warsan mahayo waxaan dambaabney anagana nalama warsado waxaad camalfaleysaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:26
قُلْ يَجْمَعُ بَيْنَنَا رَبُّنَا ثُمَّ يَفْتَحُ بَيْنَنَا بِٱلْحَقِّ وَهُوَ ٱلْفَتَّاحُ ٱلْعَلِيمُ
34:26
Waxaad dhahdaa waxaa ina kulmin Eebaheen, markaasuu ina kala xukumin si xaqa ah. waana caadil wax walba og. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:27
قُلْ أَرُونِىَ ٱلَّذِينَ أَلْحَقْتُم بِهِۦ شُرَكَآءَ ۖ كَلَّا ۚ بَلْ هُوَ ٱللَّهُ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
34:27
waxaad dhahdaa i tusiya kuwaas Eebe haleeshiiseen oo shurako ah (wax la wadaago) saas ma aha ee Eebe waa adkaade falsan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:28
وَمَآ أَرْسَلْنَـٰكَ إِلَّا كَآفَّةً لِّلنَّاسِ بَشِيرًا وَنَذِيرًا وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ
34:28
Kuu maanaan dirin waxaan dadkoo dhan ahayn, adoo u bishaaraynaya Mu'miniinta, una digi gaalada, laakiin dadka badidiisu ma oga. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:29
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَـٰذَا ٱلْوَعْدُ إِن كُنتُمْ صَـٰدِقِينَ
34:29
Waxayna dhihi waa goorma yaboohaasi (soobixinta) hadaad run sheegaysaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:30
قُل لَّكُم مِّيعَادُ يَوْمٍ لَّا تَسْتَـْٔخِرُونَ عَنْهُ سَاعَةً وَلَا تَسْتَقْدِمُونَ
34:30
Waxuud dhahdaa waxaa idiin sugnaaday Waqti aydaan saacad ka dib dhacaynin kana hor dhacaynin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:31
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَن نُّؤْمِنَ بِهَـٰذَا ٱلْقُرْءَانِ وَلَا بِٱلَّذِى بَيْنَ يَدَيْهِ ۗ وَلَوْ تَرَىٰٓ إِذِ ٱلظَّـٰلِمُونَ مَوْقُوفُونَ عِندَ رَبِّهِمْ يَرْجِعُ بَعْضُهُمْ إِلَىٰ بَعْضٍ ٱلْقَوْلَ يَقُولُ ٱلَّذِينَ ٱسْتُضْعِفُوا۟ لِلَّذِينَ ٱسْتَكْبَرُوا۟ لَوْلَآ أَنتُمْ لَكُنَّا مُؤْمِنِينَ
34:31
Waxay dheheenna kuwii galoobay rumeynmayno quraankan iyo kuwii ka horreeyey midna, hadaad arki labayd daalimiinta oo taagan Eebe agtiisa (qiyaamada) oo qaarkood qaarka kale hadal u celin ooy ku dhihi kuwii raaciyadda ahaa kuwii madaxda ahaa ee isla wayna, hadaydaan jirin waxaan ahaan laheyn Mu'miniin. (waxaad arki laheyd arin weyn oo lala yaabo). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:32
قَالَ ٱلَّذِينَ ٱسْتَكْبَرُوا۟ لِلَّذِينَ ٱسْتُضْعِفُوٓا۟ أَنَحْنُ صَدَدْنَـٰكُمْ عَنِ ٱلْهُدَىٰ بَعْدَ إِذْ جَآءَكُم ۖ بَلْ كُنتُم مُّجْرِمِينَ
34:32
Kuwii iskibriyey (Madaxdii) waxay ku dhaheen kuwii tabarta yaraa (Raaciyaddii) ma anagaa idinka celinay hanuunka markuu idiinyimid saas ma ah ee idinkaa danbiilayaal ahaa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:33
وَقَالَ ٱلَّذِينَ ٱسْتُضْعِفُوا۟ لِلَّذِينَ ٱسْتَكْبَرُوا۟ بَلْ مَكْرُ ٱلَّيْلِ وَٱلنَّهَارِ إِذْ تَأْمُرُونَنَآ أَن نَّكْفُرَ بِٱللَّهِ وَنَجْعَلَ لَهُۥٓ أَندَادًا ۚ وَأَسَرُّوا۟ ٱلنَّدَامَةَ لَمَّا رَأَوُا۟ ٱلْعَذَابَ وَجَعَلْنَا ٱلْأَغْلَـٰلَ فِىٓ أَعْنَاقِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ۚ هَلْ يُجْزَوْنَ إِلَّا مَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ
34:33
Kuwii tabarta yaraa (raaciyaddii) waxay ku dhaheen kuwii iskibriyay (Madaxdii) saas ma aha ee waxaa hanuunka naga celiyay dhagartii Habeen iyo Maalinba markaad nafarayseen inaan Eebe ka gaalowno una yeelo shariigyo, Waxay qarsadeen qoomarno markay arkeen cadaabka, Waxaana yeelay kuwii gaaloobay luquntooda Biro Naar ah. Miyaa laga abaalmarinin gaaladu waxay camal faleen mooyee. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:34
وَمَآ أَرْسَلْنَا فِى قَرْيَةٍ مِّن نَّذِيرٍ إِلَّا قَالَ مُتْرَفُوهَآ إِنَّا بِمَآ أُرْسِلْتُم بِهِۦ كَـٰفِرُونَ
34:34
Magaalo kasta oo aan dige (Nabi) u dirro waxay dhahaan kuwoodii loo nicmeeyay anagu waxa laydiinku soo diray waan ka gaalownay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:35
وَقَالُوا۟ نَحْنُ أَكْثَرُ أَمْوَٰلًا وَأَوْلَـٰدًا وَمَا نَحْنُ بِمُعَذَّبِينَ
34:35
Waxayna dhaheen anagaa xoolo iyo Caruurba idinka badan, nalamana cadaabayo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:36
قُلْ إِنَّ رَبِّى يَبْسُطُ ٱلرِّزْقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقْدِرُ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ
34:36
Waxaad dhahdaa Eebehay wuxuu u fidiyaa rizqiga ruxuu doono, wuuna ku cidhidhhiyaa ruxuu doono, laakiin dadka badankiisu ma oga. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:37
وَمَآ أَمْوَٰلُكُمْ وَلَآ أَوْلَـٰدُكُم بِٱلَّتِى تُقَرِّبُكُمْ عِندَنَا زُلْفَىٰٓ إِلَّا مَنْ ءَامَنَ وَعَمِلَ صَـٰلِحًا فَأُو۟لَـٰٓئِكَ لَهُمْ جَزَآءُ ٱلضِّعْفِ بِمَا عَمِلُوا۟ وَهُمْ فِى ٱلْغُرُفَـٰتِ ءَامِنُونَ
34:37
Ma aha xoolahiinnu iyo caruurtiinnu kuwii noo kiin dhaweeya, hase yeeshee ruuxii rumeeya (xaqa) oo camal fiican cala, kuwaas waxaa u sugnaaday abaalmarin labalaab ah camalkooda dartiis, waxayna ku aamin noqdaan qawlado janno. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:38
وَٱلَّذِينَ يَسْعَوْنَ فِىٓ ءَايَـٰتِنَا مُعَـٰجِزِينَ أُو۟لَـٰٓئِكَ فِى ٱلْعَذَابِ مُحْضَرُونَ
34:38
Kuwa u socda ka (reebidda) aayaadkanaga iyagoo isleh Eebe daaliya, kuwaas waxaa lagu kulmin cadaab. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:39
قُلْ إِنَّ رَبِّى يَبْسُطُ ٱلرِّزْقَ لِمَن يَشَآءُ مِنْ عِبَادِهِۦ وَيَقْدِرُ لَهُۥ ۚ وَمَآ أَنفَقْتُم مِّن شَىْءٍ فَهُوَ يُخْلِفُهُۥ ۖ وَهُوَ خَيْرُ ٱلرَّٰزِقِينَ
34:39
Waxaad dhahdaa Eebehay wuxuu risqiga u fidiyaa cidduu doono oo addoomadiisa ka mid ah, kuu doonana wuu ku cidhiidhyaa, waxaad bixisaan oo kastana Eebaa idiin bedeli, Eebena isagaa u khayroon wax wax arsaaqa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:40
وَيَوْمَ يَحْشُرُهُمْ جَمِيعًا ثُمَّ يَقُولُ لِلْمَلَـٰٓئِكَةِ أَهَـٰٓؤُلَآءِ إِيَّاكُمْ كَانُوا۟ يَعْبُدُونَ
34:40
Xusuuso maalinta uu Eebe kulmin dhamaan gaalada, markaas uu ku odhan malaa'igtiisa kuwani ma idinkay idin caabudi jireen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:41
قَالُوا۟ سُبْحَـٰنَكَ أَنتَ وَلِيُّنَا مِن دُونِهِم ۖ بَلْ كَانُوا۟ يَعْبُدُونَ ٱلْجِنَّ ۖ أَكْثَرُهُم بِهِم مُّؤْمِنُونَ
34:41
Markaas ay dhihi adaa ceeb ka fog Eebow, adaa gargaarahanaga ah iyaga ka sokay, waxayse caabudi jireen Jinni badidoodna isagay rumaysnaayeen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:42
فَٱلْيَوْمَ لَا يَمْلِكُ بَعْضُكُمْ لِبَعْضٍ نَّفْعًا وَلَا ضَرًّا وَنَقُولُ لِلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ ذُوقُوا۟ عَذَابَ ٱلنَّارِ ٱلَّتِى كُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ
34:42
Maantase «Qiyaamada» uma hanato qaarkiin qaarkakale naefi iyo dhib midna. waxaana ku dhahaynaa kuwii dulmi falay dhadhamiya cadaabka naartaad beeninayseen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:43
وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ ءَايَـٰتُنَا بَيِّنَـٰتٍ قَالُوا۟ مَا هَـٰذَآ إِلَّا رَجُلٌ يُرِيدُ أَن يَصُدَّكُمْ عَمَّا كَانَ يَعْبُدُ ءَابَآؤُكُمْ وَقَالُوا۟ مَا هَـٰذَآ إِلَّآ إِفْكٌ مُّفْتَرًى ۚ وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِلْحَقِّ لَمَّا جَآءَهُمْ إِنْ هَـٰذَآ إِلَّا سِحْرٌ مُّبِينٌ
34:43
Marka lagu akhriyo korkooda aayaadkanaga waxay dhahayaan kani ma aha mid dooni inuu idinka iilo waxay Aabbayowgiin caabudijireen mooyee, waxayna dheheen kan (quraanku) ma aha waxaan beenabuurasho ahayn, waxayna dhaheen kuwii Gaaloobay Xaqu markuu u yimid kani waxaan sixir muuqda ahayn ma aha. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:44
وَمَآ ءَاتَيْنَـٰهُم مِّن كُتُبٍ يَدْرُسُونَهَا ۖ وَمَآ أَرْسَلْنَآ إِلَيْهِمْ قَبْلَكَ مِن نَّذِيرٍ
34:44
Ma aanaan siinin Kutubo ay akhriyaan, umana aanaan dirin xagooda dige kaa horreeyay (Carabta). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:45
وَكَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ وَمَا بَلَغُوا۟ مِعْشَارَ مَآ ءَاتَيْنَـٰهُمْ فَكَذَّبُوا۟ رُسُلِى ۖ فَكَيْفَ كَانَ نَكِيرِ
34:45
Waxay beeniyeen (xaqa) kuwii ka horreeeyayna, mana gaadhin (kuwii Nabiga beeniyay) Toban meelood meel waxaan siinay kuwaas, waxayna beeniyeen Rasuuladaydii, Sayse noqotay ciqaabtaydii (aan ciqaabay kuwaas xaqa beeniyay). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:46
۞ قُلْ إِنَّمَآ أَعِظُكُم بِوَٰحِدَةٍ ۖ أَن تَقُومُوا۟ لِلَّهِ مَثْنَىٰ وَفُرَٰدَىٰ ثُمَّ تَتَفَكَّرُوا۟ ۚ مَا بِصَاحِبِكُم مِّن جِنَّةٍ ۚ إِنْ هُوَ إِلَّا نَذِيرٌ لَّكُم بَيْنَ يَدَىْ عَذَابٍ شَدِيدٍ
34:46
Waxaad dhahdaa Nabiyow mid kaliya yaan idinku waanin inaad u jahaysataan Eebe laba labo iyo mid mid markaasna aad fikirtaan inaan saaxiibkiin «Nabiga Muxamed ah» uusan waallayn, uu digihiinna cadaab daran hortiisna uu yahay, - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:47
قُلْ مَا سَأَلْتُكُم مِّنْ أَجْرٍ فَهُوَ لَكُمْ ۖ إِنْ أَجْرِىَ إِلَّا عَلَى ٱللَّهِ ۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ شَهِيدٌ
34:47
Waxaad dhahdaa Nabiyow idiinma warsanin ujuuro idinkaase iskalch (haii laydin warsado), Ujuuradayda Eebe unbaa isiin, wax walbana Eebe wuu daalacan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:48
قُلْ إِنَّ رَبِّى يَقْذِفُ بِٱلْحَقِّ عَلَّـٰمُ ٱلْغُيُوبِ
34:48
Waxaad dhahdaa Eebehay xaquu soo dajiyaan (Xumaanta ku baaabi'iyaa) waana wax maqan oge badane. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:49
قُلْ جَآءَ ٱلْحَقُّ وَمَا يُبْدِئُ ٱلْبَـٰطِلُ وَمَا يُعِيدُ
34:49
Waxaad dhahdaa xaqii waa yimid, baadhilna wa tirtirmay, - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:50
قُلْ إِن ضَلَلْتُ فَإِنَّمَآ أَضِلُّ عَلَىٰ نَفْسِى ۖ وَإِنِ ٱهْتَدَيْتُ فَبِمَا يُوحِىٓ إِلَىَّ رَبِّىٓ ۚ إِنَّهُۥ سَمِيعٌ قَرِيبٌ
34:50
Waxaad dhahdaa haddaandhumo waxaad uun u dhumay naftayda, hadaan hanuunana waa wixii Eebe ii waxyooday, sababtiisa Eebe waa maqli dhawe. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:51
وَلَوْ تَرَىٰٓ إِذْ فَزِعُوا۟ فَلَا فَوْتَ وَأُخِذُوا۟ مِن مَّكَانٍ قَرِيبٍ
34:51
Hadaad arki lahayd Nabiyow markay argagaxaan gaaladu oo meeley u cararaan jirin oo meel dhaw laga qabto, (waxaad arki lahayd arrin wayn). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:52
وَقَالُوٓا۟ ءَامَنَّا بِهِۦ وَأَنَّىٰ لَهُمُ ٱلتَّنَاوُشُ مِن مَّكَانٍۭ بَعِيدٍ
34:52
Waxay dhihi markaas waxaan rumaynay (xaqa) xagay uga ahaan inay meel fog wax ku qaataan (rumayn). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:53
وَقَدْ كَفَرُوا۟ بِهِۦ مِن قَبْلُ ۖ وَيَقْذِفُونَ بِٱلْغَيْبِ مِن مَّكَانٍۭ بَعِيدٍ
34:53
Dhab ahaanna waa iyagii uga gaaloobay xaqa, horray ay ka tuurayeen waxayan ogayn meel fog. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
34:54
وَحِيلَ بَيْنَهُمْ وَبَيْنَ مَا يَشْتَهُونَ كَمَا فُعِلَ بِأَشْيَاعِهِم مِّن قَبْلُ ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ فِى شَكٍّ مُّرِيبٍۭ
34:54
Waana la kala ooday iyaga iyo waxay doonayeen sidii lagu falay kuwii la midka ahaa ee ka horeeyay, waxayna ahaayeen kuwo shaki daran ku sugan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)