Selected
Original Text
Mahmud Muhammad Abduh
Abdullah Yusuf Ali
Abdul Majid Daryabadi
Abul Ala Maududi
Ahmed Ali
Ahmed Raza Khan
A. J. Arberry
Ali Quli Qarai
Hasan al-Fatih Qaribullah and Ahmad Darwish
Mohammad Habib Shakir
Mohammed Marmaduke William Pickthall
Muhammad Sarwar
Muhammad Taqi-ud-Din al-Hilali and Muhammad Muhsin Khan
Safi-ur-Rahman al-Mubarakpuri
Saheeh International
Talal Itani
Transliteration
Wahiduddin Khan
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
In the name of Allah, Most Gracious, Most Merciful.
30:1
الٓمٓ
30:1
waxay ku tusin mucjisada Quraanka (sidii soo hormartay). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:2
غُلِبَتِ ٱلرُّومُ
30:2
waxaa lagaga adkaaday Ruum. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:3
فِىٓ أَدْنَى ٱلْأَرْضِ وَهُم مِّنۢ بَعْدِ غَلَبِهِمْ سَيَغْلِبُونَ
30:3
Dhulkii dhawaa, intii laga adkaaday ka dibna way adkaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:4
فِى بِضْعِ سِنِينَ ۗ لِلَّهِ ٱلْأَمْرُ مِن قَبْلُ وَمِنۢ بَعْدُ ۚ وَيَوْمَئِذٍ يَفْرَحُ ٱلْمُؤْمِنُونَ
30:4
dhawr sano dhexdeed, amarkana Eebaa iska leh horey iyo diba, Maalintaasayna ku farxi Mu'miniintu. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:5
بِنَصْرِ ٱللَّهِ ۚ يَنصُرُ مَن يَشَآءُ ۖ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
30:5
Gargaarka Eebe, wuxuuna u gargaari cidduu doono, waana adkaade naxariista ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:6
وَعْدَ ٱللَّهِ ۖ لَا يُخْلِفُ ٱللَّهُ وَعْدَهُۥ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ
30:6
waa yabooha Eebe, mana baajiyo Eebe yaboohiisa, laakin Dadka badankiisu ma oga. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:7
يَعْلَمُونَ ظَـٰهِرًا مِّنَ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَهُمْ عَنِ ٱلْـَٔاخِرَةِ هُمْ غَـٰفِلُونَ
30:7
waxay yaqaanaan Dadku muuqaalka nolosha addunyo Aakhirose way halmaansanyihiin (ka jaahil yihiin). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:8
أَوَلَمْ يَتَفَكَّرُوا۟ فِىٓ أَنفُسِهِم ۗ مَّا خَلَقَ ٱللَّهُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَآ إِلَّا بِٱلْحَقِّ وَأَجَلٍ مُّسَمًّى ۗ وَإِنَّ كَثِيرًا مِّنَ ٱلنَّاسِ بِلِقَآئِ رَبِّهِمْ لَكَـٰفِرُونَ
30:8
miyeyna ka fikirin naftooda Inuusan Eebe Samaawaadka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya u abuurin waxaan xaq iyo muddo magacaaban ahayn, wax badan oo dadka ka mid ahna waxay ka Gaaloobi la kulanka Eebahood. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:9
أَوَلَمْ يَسِيرُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ فَيَنظُرُوا۟ كَيْفَ كَانَ عَـٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۚ كَانُوٓا۟ أَشَدَّ مِنْهُمْ قُوَّةً وَأَثَارُوا۟ ٱلْأَرْضَ وَعَمَرُوهَآ أَكْثَرَ مِمَّا عَمَرُوهَا وَجَآءَتْهُمْ رُسُلُهُم بِٱلْبَيِّنَـٰتِ ۖ فَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيَظْلِمَهُمْ وَلَـٰكِن كَانُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ يَظْلِمُونَ
30:9
meyeyna ku soconin Dhulka oy eegan siday ahaatay cidhibtii kuwii ka horreeyey (Gaaladii Makaad) waxay ahaayeen kuwo ka daran iyaga kana xoog badan, Dhulkana waybeerteen wayna Dhiseen Dhulka intay dhiseen wax ka badan. waxayna ula timid Rasuulladoodii Xujooyin, Eebana ma aha mid wax dulmiya, laakiin iyagaa naftooda dulmiyey. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:10
ثُمَّ كَانَ عَـٰقِبَةَ ٱلَّذِينَ أَسَـٰٓـُٔوا۟ ٱلسُّوٓأَىٰٓ أَن كَذَّبُوا۟ بِـَٔايَـٰتِ ٱللَّهِ وَكَانُوا۟ بِهَا يَسْتَهْزِءُونَ
30:10
markaasay noqotay cidhibtii kuwii xumaanta falay, xumaan iyo (Jahannamo) beenintay aayadaha Eebe beeniyeen darteed, waxayna ahaayeen kuwo aayadaha ku jees jeesa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:11
ٱللَّهُ يَبْدَؤُا۟ ٱلْخَلْقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ ثُمَّ إِلَيْهِ تُرْجَعُونَ
30:11
Eebaa billaahay (Abuurka) Khalqiga isagaana soo celin, xaggiisaana laydiin celin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:12
وَيَوْمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ يُبْلِسُ ٱلْمُجْرِمُونَ
30:12
Maalintay kici Saacaddu (Qiyaamadu) way aamusi dambiilayaashu (ooy quusan). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:13
وَلَمْ يَكُن لَّهُم مِّن شُرَكَآئِهِمْ شُفَعَـٰٓؤُا۟ وَكَانُوا۟ بِشُرَكَآئِهِمْ كَـٰفِرِينَ
30:13
ugumana sugnaanin kuway Eebe lawadajiyeen (Cibaadada) Shafeeco waxayna noqon kuwo diida Shurakadoodii. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:14
وَيَوْمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ يَوْمَئِذٍ يَتَفَرَّقُونَ
30:14
Maalintay kici Saacadu waa maalin ay kala tagi Dadku. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:15
فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ فَهُمْ فِى رَوْضَةٍ يُحْبَرُونَ
30:15
kuwa rumeeyey (xaqa) oo camalfiicanfalay Beer Janno yaa lagu faraxgaliyaa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:16
وَأَمَّا ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَكَذَّبُوا۟ بِـَٔايَـٰتِنَا وَلِقَآئِ ٱلْـَٔاخِرَةِ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ فِى ٱلْعَذَابِ مُحْضَرُونَ
30:16
kuwa Gaaloobayse oo beeniyey aayaadkanaga iyo lakulanka aakhiro kuwaas waxaa lagu kulmin Cadaabka., - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:17
فَسُبْحَـٰنَ ٱللَّهِ حِينَ تُمْسُونَ وَحِينَ تُصْبِحُونَ
30:17
Eebaa nasahan (Ceeb ka fog) markaad galabaysanaysaan iyo markaad waabariisanaysaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:18
وَلَهُ ٱلْحَمْدُ فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَعَشِيًّا وَحِينَ تُظْهِرُونَ
30:18
mahadna isagaa ku leh Samooyinka iyo Dhulka dhexdooda iyo Habeenkii iyo Duhurkiiba. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:19
يُخْرِجُ ٱلْحَىَّ مِنَ ٱلْمَيِّتِ وَيُخْرِجُ ٱلْمَيِّتَ مِنَ ٱلْحَىِّ وَيُحْىِ ٱلْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَا ۚ وَكَذَٰلِكَ تُخْرَجُونَ
30:19
kana soobixiya wax nool wax dhintay wax dhintayna wax nool, nooleeyana Dhulka intuu dhintay ka dhib, saasaana laydiin soo bixin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:20
وَمِنْ ءَايَـٰتِهِۦٓ أَنْ خَلَقَكُم مِّن تُرَابٍ ثُمَّ إِذَآ أَنتُم بَشَرٌ تَنتَشِرُونَ
30:20
waxaana ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idinka abuuray Carro markaasaad noqoteen Dad dhaqdhaqaaqi (Faafi). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:21
وَمِنْ ءَايَـٰتِهِۦٓ أَنْ خَلَقَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَٰجًا لِّتَسْكُنُوٓا۟ إِلَيْهَا وَجَعَلَ بَيْنَكُم مَّوَدَّةً وَرَحْمَةً ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ
30:21
waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idiinka abuuray naftiina Haween si aad isugu xasishaan, yeelayna dhexdiina isjacayl iyo naxariis, taasina waxaa ugu sugan Calaamad qoomkii fikiri. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:22
وَمِنْ ءَايَـٰتِهِۦ خَلْقُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَٱخْتِلَـٰفُ أَلْسِنَتِكُمْ وَأَلْوَٰنِكُمْ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّلْعَـٰلِمِينَ
30:22
Waxaa ka mid ah Aayaadka ku tusin (Qudrada) Eebe samooyinka uu abuuray iyo Dhulka iyo kala duwanaanta Afkiina (Luuqada) iyo midabkiinaba, taasina calaamad yaa ugu sugan kuwa Cilmiga leh. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:23
وَمِنْ ءَايَـٰتِهِۦ مَنَامُكُم بِٱلَّيْلِ وَٱلنَّهَارِ وَٱبْتِغَآؤُكُم مِّن فَضْلِهِۦٓ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّقَوْمٍ يَسْمَعُونَ
30:23
waxaa ka mid ah Aayadka tusin (Qudrada) Eebe Hurdadiina Habeenkii iyo Maalintii iyo doonidiina Fadliga Eebe, taasna calaamad yaa ugu sugan kuwa wax maqli. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:24
وَمِنْ ءَايَـٰتِهِۦ يُرِيكُمُ ٱلْبَرْقَ خَوْفًا وَطَمَعًا وَيُنَزِّلُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَيُحْىِۦ بِهِ ٱلْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَآ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّقَوْمٍ يَعْقِلُونَ
30:24
waxaa ka mid ah Aayaadka ku tusin (qudra) Eebe Hillaaca uu idin tusiyo, Cabsi iyo Doonid darteed, iyo Samada uu idiinka soo dajiyo Biyo, kuna nooleeyo Dhulka intuu dhintay ka dib, taasina Calaamado yaa ugu sugan kuwa wax kasi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:25
وَمِنْ ءَايَـٰتِهِۦٓ أَن تَقُومَ ٱلسَّمَآءُ وَٱلْأَرْضُ بِأَمْرِهِۦ ۚ ثُمَّ إِذَا دَعَاكُمْ دَعْوَةً مِّنَ ٱلْأَرْضِ إِذَآ أَنتُمْ تَخْرُجُونَ
30:25
waxaa ka mid ah Aayaadka ku tusin (qudrada) Eebe inay Samada iyo Dhulku ku taaganyihiin amarka Eebe, markuu Dhulka idiinka yeedhana (soobixinta) aad durba soo baxdaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:26
وَلَهُۥ مَن فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۖ كُلٌّ لَّهُۥ قَـٰنِتُونَ
30:26
Eebaa iska leh waxa Samooyinka iyo Dhulkaba ku sugan, isagayna u khushuucaan (u hogaansamaan). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:27
وَهُوَ ٱلَّذِى يَبْدَؤُا۟ ٱلْخَلْقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ وَهُوَ أَهْوَنُ عَلَيْهِ ۚ وَلَهُ ٱلْمَثَلُ ٱلْأَعْلَىٰ فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
30:27
Eebe waa kan billaabay abuurka Khalqiga, hadana soo celin wayna u fududahay arrintaasu, Eebaana sifo sare ku muta Samooyinka iyo Dhulka, waana adkaade falsan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:28
ضَرَبَ لَكُم مَّثَلًا مِّنْ أَنفُسِكُمْ ۖ هَل لَّكُم مِّن مَّا مَلَكَتْ أَيْمَـٰنُكُم مِّن شُرَكَآءَ فِى مَا رَزَقْنَـٰكُمْ فَأَنتُمْ فِيهِ سَوَآءٌ تَخَافُونَهُمْ كَخِيفَتِكُمْ أَنفُسَكُمْ ۚ كَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ ٱلْـَٔايَـٰتِ لِقَوْمٍ يَعْقِلُونَ
30:28
Eebe wuxuu idiin yeeley tusaale naftiina ah, waxaad hanataan miyey idinlawadaagaan wax laydinku arzuqay, ood si isku mid ah u maamulaysaan, ugana cabsanaysaan sidaad isaga cabsataan, saasuuna u caddayn aayaadka ciddii wax kasi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:29
بَلِ ٱتَّبَعَ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓا۟ أَهْوَآءَهُم بِغَيْرِ عِلْمٍ ۖ فَمَن يَهْدِى مَنْ أَضَلَّ ٱللَّهُ ۖ وَمَا لَهُم مِّن نَّـٰصِرِينَ
30:29
haseyeeshee waxay raaceen kuwii dulmilowga ahaa Hawadooda iyagoon wax ogayn, yaa hanuunin kara ruux Eebe dhumid u qadaray, wax u gargaarana lahayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:30
فَأَقِمْ وَجْهَكَ لِلدِّينِ حَنِيفًا ۚ فِطْرَتَ ٱللَّهِ ٱلَّتِى فَطَرَ ٱلنَّاسَ عَلَيْهَا ۚ لَا تَبْدِيلَ لِخَلْقِ ٱللَّهِ ۚ ذَٰلِكَ ٱلدِّينُ ٱلْقَيِّمُ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ
30:30
ee Wajigaaga u jeedi Diinta adoo toosan (Diintu) waa abuuridda Eebe ee Dadka uu ku abuuray, wax badali kara abuurka Eebana ma jiro, saasina waa Diinta toosan laakiin dadka babidiis ma oga. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:31
۞ مُنِيبِينَ إِلَيْهِ وَٱتَّقُوهُ وَأَقِيمُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَلَا تَكُونُوا۟ مِنَ ٱلْمُشْرِكِينَ
30:31
idinkoo Eebe u noqon, kana yaaba, Salaadana ooga, Galadana ha ka mid noqonina. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:32
مِنَ ٱلَّذِينَ فَرَّقُوا۟ دِينَهُمْ وَكَانُوا۟ شِيَعًا ۖ كُلُّ حِزْبٍۭ بِمَا لَدَيْهِمْ فَرِحُونَ
30:32
ee Diintooda ku kala tagay noqdayna kooxo, Xisbi walba uu ku farxi waxa agtiisa ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:33
وَإِذَا مَسَّ ٱلنَّاسَ ضُرٌّ دَعَوْا۟ رَبَّهُم مُّنِيبِينَ إِلَيْهِ ثُمَّ إِذَآ أَذَاقَهُم مِّنْهُ رَحْمَةً إِذَا فَرِيقٌ مِّنْهُم بِرَبِّهِمْ يُشْرِكُونَ
30:33
hadduu Dadka taabto dhib waxay baryaan Eebahood iyagoo u noqon, markuuse dhadhansiiyo naxariis qayb iyaga ka mid ah waxay wax lawadaaijyaan Eebahood. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:34
لِيَكْفُرُوا۟ بِمَآ ءَاتَيْنَـٰهُمْ ۚ فَتَمَتَّعُوا۟ فَسَوْفَ تَعْلَمُونَ
30:34
si ay uga gaaloobaan waxaan siinney, iska raaxaysta, waadna ogaandoontaan Cidhibta raaxadaasi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:35
أَمْ أَنزَلْنَا عَلَيْهِمْ سُلْطَـٰنًا فَهُوَ يَتَكَلَّمُ بِمَا كَانُوا۟ بِهِۦ يُشْرِكُونَ
30:35
mise waxaan ku soo dejiney xujo, oo ku hadli waxay Eebe la wadaajin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:36
وَإِذَآ أَذَقْنَا ٱلنَّاسَ رَحْمَةً فَرِحُوا۟ بِهَا ۖ وَإِن تُصِبْهُمْ سَيِّئَةٌۢ بِمَا قَدَّمَتْ أَيْدِيهِمْ إِذَا هُمْ يَقْنَطُونَ
30:36
haddaan dhadhansiino dadka naxariis way ku farxi «kibraan» hadduu dhibku dhacana waxay hor marsadeen darteed way quustaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:37
أَوَلَمْ يَرَوْا۟ أَنَّ ٱللَّهَ يَبْسُطُ ٱلرِّزْقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقْدِرُ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ
30:37
miyeyna arkayn in Eebe u waasiciyo rizqiga cidduudoono, kuna cidhiidhyo (Cidduu doono) arrintaasna Calaamooyinbaa ugu sugan kuwa rumeyn (Xaqa). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:38
فَـَٔاتِ ذَا ٱلْقُرْبَىٰ حَقَّهُۥ وَٱلْمِسْكِينَ وَٱبْنَ ٱلسَّبِيلِ ۚ ذَٰلِكَ خَيْرٌ لِّلَّذِينَ يُرِيدُونَ وَجْهَ ٱللَّهِ ۖ وَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُفْلِحُونَ
30:38
ee Qaraabada sii xaqeeda iyo Miskiinka iyo Musaafurka, saasaa u khayroon kuwa dooni Wajiga Eebe, (u dhawaanshahiisa) kuwaasina waa kuwa liibaanay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:39
وَمَآ ءَاتَيْتُم مِّن رِّبًا لِّيَرْبُوَا۟ فِىٓ أَمْوَٰلِ ٱلنَّاسِ فَلَا يَرْبُوا۟ عِندَ ٱللَّهِ ۖ وَمَآ ءَاتَيْتُم مِّن زَكَوٰةٍ تُرِيدُونَ وَجْهَ ٱللَّهِ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُضْعِفُونَ
30:39
waxaad bixisaan oo Ribo ah si aad uga badsataan xoolaha dadka ma badnaado Eebe agtiisa, wixiise aad bixisaan oo Zako (xalaal ah) idinkoo ku dooni Wajiga Eebe kuwaas waa loo laablaabi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:40
ٱللَّهُ ٱلَّذِى خَلَقَكُمْ ثُمَّ رَزَقَكُمْ ثُمَّ يُمِيتُكُمْ ثُمَّ يُحْيِيكُمْ ۖ هَلْ مِن شُرَكَآئِكُم مَّن يَفْعَلُ مِن ذَٰلِكُم مِّن شَىْءٍ ۚ سُبْحَـٰنَهُۥ وَتَعَـٰلَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ
30:40
Eebe waa kan idin abuuray Iladana idin arzaaqay hadana idin Dili, hadana idin soo noolayn, majiraa shurakadiina mid fali sidaas wax ka mid ah, Eebaa ka nasahana kana sareeya waxay la wadaajin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:41
ظَهَرَ ٱلْفَسَادُ فِى ٱلْبَرِّ وَٱلْبَحْرِ بِمَا كَسَبَتْ أَيْدِى ٱلنَّاسِ لِيُذِيقَهُم بَعْضَ ٱلَّذِى عَمِلُوا۟ لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ
30:41
xumaanbaa ka daahirtay Barri iyo Badba, waxay kasbatay Gaemo Dad dardiis, si Eebe u dhadhansiiyo waxay camalfaleen qaarkiis, inay noqdaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:42
قُلْ سِيرُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ فَٱنظُرُوا۟ كَيْفَ كَانَ عَـٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلُ ۚ كَانَ أَكْثَرُهُم مُّشْرِكِينَ
30:42
waxaad dhahdaa ku socda Dhulka fiiriyana siday noqotay cidhibtii kuwii hore, wuxuu ahaa badankoodu Mushrikiin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:43
فَأَقِمْ وَجْهَكَ لِلدِّينِ ٱلْقَيِّمِ مِن قَبْلِ أَن يَأْتِىَ يَوْمٌ لَّا مَرَدَّ لَهُۥ مِنَ ٱللَّهِ ۖ يَوْمَئِذٍ يَصَّدَّعُونَ
30:43
ee Wajigaaga Diinta toosani (Islaamka) u jeedi, maalin aan la eelin karin ka hor, Eebe xaggiisana ka iman, Maalintaas Dadku way kala tagi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:44
مَن كَفَرَ فَعَلَيْهِ كُفْرُهُۥ ۖ وَمَنْ عَمِلَ صَـٰلِحًا فَلِأَنفُسِهِمْ يَمْهَدُونَ
30:44
ruuxii Gaalooba isagay (dhibi) Gaalimadiisu, ruuxii camal wanaagsan fala Naftiisa yuu u goglay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:45
لِيَجْزِىَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ مِن فَضْلِهِۦٓ ۚ إِنَّهُۥ لَا يُحِبُّ ٱلْكَـٰفِرِينَ
30:45
si Eebe u abaalmariyo kuwa rumeeyey xaqa oo camal wanaagsan falay fadligiisa, Eebana ma jeela Gaalo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:46
وَمِنْ ءَايَـٰتِهِۦٓ أَن يُرْسِلَ ٱلرِّيَاحَ مُبَشِّرَٰتٍ وَلِيُذِيقَكُم مِّن رَّحْمَتِهِۦ وَلِتَجْرِىَ ٱلْفُلْكُ بِأَمْرِهِۦ وَلِتَبْتَغُوا۟ مِن فَضْلِهِۦ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ
30:46
Calaamaadka Eebe ku tusin waxaa ka mid ah inuu dabaylaha diro iyagoo ku bishaarayn (Roob) iyo in Eebe idin dhadhansiiyo naxariistiisa iyo in doontu ku socoto amarkiisa iyo inaad dalabtaan fadligiisa, markaas aad Eebe ku mahdisaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:47
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ رُسُلًا إِلَىٰ قَوْمِهِمْ فَجَآءُوهُم بِٱلْبَيِّنَـٰتِ فَٱنتَقَمْنَا مِنَ ٱلَّذِينَ أَجْرَمُوا۟ ۖ وَكَانَ حَقًّا عَلَيْنَا نَصْرُ ٱلْمُؤْمِنِينَ
30:47
waxaan dhab ahaan ugu diray hortaa Rasuulo qoomkoodii, waxayna ulayimaadeen xujooyin waana ka aarsanay kuwii dambi Falay, waxaana korkanaga ah u gargaarka Mu'miniinta. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:48
ٱللَّهُ ٱلَّذِى يُرْسِلُ ٱلرِّيَـٰحَ فَتُثِيرُ سَحَابًا فَيَبْسُطُهُۥ فِى ٱلسَّمَآءِ كَيْفَ يَشَآءُ وَيَجْعَلُهُۥ كِسَفًا فَتَرَى ٱلْوَدْقَ يَخْرُجُ مِنْ خِلَـٰلِهِۦ ۖ فَإِذَآ أَصَابَ بِهِۦ مَن يَشَآءُ مِنْ عِبَادِهِۦٓ إِذَا هُمْ يَسْتَبْشِرُونَ
30:48
Eebe waa kan diray Dabaylaha oo markaas kicisa Daruuro kuna fidiya Samada siduu doono kana yeela Goosimo aad aragtid Roobka oo ka soobixi dhexdeeda, markaasuu Eebe Roobka siiyaa Ciduu doono oo adoomadiisa ka mid ahna markaasay bishaaraystaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:49
وَإِن كَانُوا۟ مِن قَبْلِ أَن يُنَزَّلَ عَلَيْهِم مِّن قَبْلِهِۦ لَمُبْلِسِينَ
30:49
waxayna ahaayeen soo dajinta Roobka ka hor kuwo Quusan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:50
فَٱنظُرْ إِلَىٰٓ ءَاثَـٰرِ رَحْمَتِ ٱللَّهِ كَيْفَ يُحْىِ ٱلْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَآ ۚ إِنَّ ذَٰلِكَ لَمُحْىِ ٱلْمَوْتَىٰ ۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ
30:50
ee day naxariista Eebe raadkeeda sida Eebe, ugu nooleeyo dhulka intuu dhintay ka dib Eebaha wuxuu nooleeyaa wixii dhintay wax walbana waa arkaa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:51
وَلَئِنْ أَرْسَلْنَا رِيحًا فَرَأَوْهُ مُصْفَرًّا لَّظَلُّوا۟ مِنۢ بَعْدِهِۦ يَكْفُرُونَ
30:51
haddaan ku diro Dabaylo (daran) Beertooda ay arkaan iyadoo doorsoon, waxay markaas ka dib noqdaan kuwo Gaalooba. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:52
فَإِنَّكَ لَا تُسْمِعُ ٱلْمَوْتَىٰ وَلَا تُسْمِعُ ٱلصُّمَّ ٱلدُّعَآءَ إِذَا وَلَّوْا۟ مُدْبِرِينَ
30:52
adigu wax ma maqashiin kartid kuwo dhintay, Mid dhagala' oo jeedsadayna wax ma maqashiin kartid. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:53
وَمَآ أَنتَ بِهَـٰدِ ٱلْعُمْىِ عَن ضَلَـٰلَتِهِمْ ۖ إِن تُسْمِعُ إِلَّا مَن يُؤْمِنُ بِـَٔايَـٰتِنَا فَهُم مُّسْلِمُونَ
30:53
ruux Indha la'na baadi kama hanuunin kartid, ma maqashiinkartid (xaqa) ruuxaan rumeynin Aayaadkanaga oo muslimiin ahayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:54
۞ ٱللَّهُ ٱلَّذِى خَلَقَكُم مِّن ضَعْفٍ ثُمَّ جَعَلَ مِنۢ بَعْدِ ضَعْفٍ قُوَّةً ثُمَّ جَعَلَ مِنۢ بَعْدِ قُوَّةٍ ضَعْفًا وَشَيْبَةً ۚ يَخْلُقُ مَا يَشَآءُ ۖ وَهُوَ ٱلْعَلِيمُ ٱلْقَدِيرُ
30:54
Eebe waa kan idin ka abuuray Tabaryare, hadana idinka yeelay Tabaryare ka dib xoog, hadana xoog dabadi idinka yeelay Tabaryari iyo Gabow, wuxuu doono yuu abuuraa, waana wax walba oge, wax walba karc (oo uu doono). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:55
وَيَوْمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ يُقْسِمُ ٱلْمُجْرِمُونَ مَا لَبِثُوا۟ غَيْرَ سَاعَةٍ ۚ كَذَٰلِكَ كَانُوا۟ يُؤْفَكُونَ
30:55
maalinta Qiyaamadu kacdo waxay ku dhaartaan dambiilayaashu inayan nagaanin Saacad mooyee, saasaana (xaqa) looga leexiyey. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:56
وَقَالَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْعِلْمَ وَٱلْإِيمَـٰنَ لَقَدْ لَبِثْتُمْ فِى كِتَـٰبِ ٱللَّهِ إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْبَعْثِ ۖ فَهَـٰذَا يَوْمُ ٱلْبَعْثِ وَلَـٰكِنَّكُمْ كُنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ
30:56
kuwii waxay dheheen cilmiga iyo Iimaanka la siiyey waad ku nagaateen Qadarka Eebe tan iyo maalinta soobixinta, kanna waa maalintii soobixinta, laakiin waxaad ahaydeen kuwo aan ogayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:57
فَيَوْمَئِذٍ لَّا يَنفَعُ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ مَعْذِرَتُهُمْ وَلَا هُمْ يُسْتَعْتَبُونَ
30:57
Maanta (Qiyaamada) ma anfacdo kuwii dulmiga falay cudur daar iyo toobad keen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:58
وَلَقَدْ ضَرَبْنَا لِلنَّاسِ فِى هَـٰذَا ٱلْقُرْءَانِ مِن كُلِّ مَثَلٍ ۚ وَلَئِن جِئْتَهُم بِـَٔايَةٍ لَّيَقُولَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ إِنْ أَنتُمْ إِلَّا مُبْطِلُونَ
30:58
dhab ahaanbaan ugu caddaynay Dadka Quraankan dhexdiisa tusaale kasta, haddaadna ula timaado aayad waxay dhihi kuwii Gaaloobay waxaan baadhil (xumaan) ahayn kuma sugnidin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:59
كَذَٰلِكَ يَطْبَعُ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِ ٱلَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ
30:59
saasaa Eebe u daboolaa Quluubta kuwaan wax ogayn (wax anfaca). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
30:60
فَٱصْبِرْ إِنَّ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقٌّ ۖ وَلَا يَسْتَخِفَّنَّكَ ٱلَّذِينَ لَا يُوقِنُونَ
30:60
ee samir yabooha Eebe waa xaqe, yeyna ku fududayn kuwaan yaqiinsanayn (Xaqa). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)